Madaxweyne-xigeen Saylici Oo Dardar Geliyay Kursiga Uu Ku-simaha Ka Yahay

0
493

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeen Cabdiraxmaan Saylici oo hadda ah ku simaha madaxweynaha Somaliland, ayaa u muuqda inuu dardar geliyay kursiga madaxweynaha ee uu ku simaha ka yahay.

Madaxweyne-xigeen Saylici muddo shan maalmood ah oo uu kurisgan madaxweynaha ku-sime ka yahay, ayaa wuxuu u muuqdaa inuu firfircooni geliyay kursigaas. Tusaale ahaan wuxuu md. Saylici Isniintii ka qayb galay xuska maalinta dhallinyarada Somaliland ee 20 February oo uu khudbad ka jeediyay.

Salaasadii doraadna wuxuu Md. Saylici ka qayb galay munaasibad lagu xusayay maalinta Afka hooyo ee Soomaaliga, isagoo xadhiga ka jaraay Akademiyada Cilmiga, Tiknoolajiyada iyo Fanka.

Arbacadii shalayna wuxuu Madaxweyne-xigeenku xarunta Madaxtooyada ku qabtay kulan balaadhan oo laga hadlayey dardar galinta gurmadka abaaraha dalka ka jira. Kulankaasi oo ay ka qayb galeen dhinacyada kala ah, Guddida taakulaynta abaaraha, Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland ku sugan oo ay horkacaysay hay’ada UNOCHA iyo daneeyayaal kale ayaa markii uu dhamaaday waxa la shaaciyey qodobada laga wada hadlay.

Inkastoo ay dalka ka maqanyihiin wasiiro tiro badan oo ay ka mid yihiin kuwa ugu dhow madaxweyne Siilaanyo, haddana wuxuu Madaxweyne-xigeenku u muuqdaa inuu buuxiyay meelo muhiim ah oo ay galdaloolo ka muuqato marka uu Madaxweyne Siilaanyo joogo.