“Madaxweyne; Waxa Lagaaga Baahanyahay Hoggaamin Umadeed Oo Ku Salaysan Tanaasul Iyo Tudhaale Bulsheed”

0
921

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku baaqay wada tashi qaran iyo lix qodob oo uu aaminsan yahay in lagu dhammayn karo khilaafaadka siyaasadeed ee hadheeyay xisbiyada dalka iyo doorashooyinka.

Xisbiga ayaa ugu baaqay madaxweyne Muuse in uu la yimaado hoggaamin isla markaasna shacbiga uu tudhaale u sameeyo, waxaana lixdan qodob ee xisbigu uu soo saaray ka mid ah in golaayasha deeganka la horgeeyo guurtida si mudo kordhin loogu sameeyo iyo in la soo dhiso komishan loo wada siman yahay.

Qoraalkan waxa ku saxeexnaa hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan waxaana qoraalka oo dhamays tiran uu u dhignaa sidan “Xisbiga Waddani isaga oo si weyn u tixgalinaaya muhiimada qaran ahaan ay dorashooyinku u leeyihiin dalka, isla markaasna ay kor u qaadayaan sumacada hanaanka geedisocodka  dimuqraadiyada , waxa uu adkaynayaa inay dalkan ka dhacaan doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay buddhig u yihiin helitaanka komishan lagu wada kalsoon yahay oo loo siman yahay.

Xisbiga Waddani waxa uu soo dhawaynayaa go’aanka golaha guurtida ee mudo kordhinta golalaha wakiilada ee ku taariikhaysan 21 bisha 1-aad 2019-ka kaas oo ay u cayimeen mudo xileed  12-ka bisha 1-aad  ee sanadka 2020-ka, isla markaasna ay doorashadu qabsoomayso bisha 12-aad ee sanadka 2019-ka.

Xisbiga Waddani isaga oo dhawraaya filashada dadka reer Somaliland  iyo taageerada beesha caalamka, waxa uu xukuumada u soo jeedinayaa in ay si dhab ah oo aan war war lahayn ugu diyaar garoobaan sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ah. Si ay doorashooyinku inoogu qabsoomaan Waddani waxa uu soo jeedinayaa in talaabooyinkan soo socda si degdeg ah loo qaado.

1- In la soo dhiso komishan cusub oo lagu wada kalsoon yahay loona siman yahay.

2-In xal laga gaadho kuraasta golaha wakiilada ee gobalada.

3-In la diyaariyo miisaaniyada qabsoomida doorashooyinka.

4-In la dhamays tiro xeerkii doorashooyinka lagu gali lahaa.

5- Inta aan la dhamaystirin shuruucda doorashooyinka waa in la tixgaliyo dadka laga tirada badan yahay,isla markaasna lagu daro kootadii haweeenka  JSL.

6-In la horgeeyo golaha deegaanka ee wakhtigoodu ka dhamaanayo golaha guurtida JSL si ay uga gutaan waajibaadkoodii dastuuriga ahaa, isla markaasna la’la qabto dorashada golaha wakiilada ee sanadkan dhacaysa.

Ugu danbayn:- si arimahani u qabsoomaan xisbiga Waddani waxa uu soo jeedinayaa wadatashi qaran iyo wada hadal midho dhal ah, iyada oo la tixgalinaayo duruufaha dal ahaan inagu xeeran, dadkeenuna aanu xamili karin khilaaf siyaasadeed iyo is qabsi jiitama, madaxweyne waxa lagaaga baahan yahay hoggaamin umadeed  oo ku salaysan tanaasul iyo tudhaale bulsheed.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here