“Madaxweyne, Waa Inuu Sharcigu Hirgalaa Oo Uu Cid Kasta Qabtaa”

47
4194

Xildhibaan Qabile

 

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu talaabo ka qaado cid kasta oo umadda ku kala qaybisa Qabyaalad, waxaanu tilmaamay in nidaamkii qabiilka laga soo gudbay, isla markaana Dastuurka iyo Xeerar lagu shaqeeyo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Wasiirka Warfaafinta ugu baaqay inuu xoriyada Saxaafadda ka hor yimaado, waxaanu ugu horeyn yidhi“Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, balanqaadadii maalintii uu la wareegay xilka, sharciga ayaa shaqeeynaya ayuu yidhi, Sharcigu Madaxweynaha wixii qabanayey uu dhigayaa, Xildhibaanka wixii qabanaayey uu dhigayaa, Salaadiinta wixii qabanayey uu dhigayaa, Wasiirka wixii qabanayey uu dhigayaa, dadka kalena waa muwaadiniintii, Suldaankuna kama weyna muwaadiinta kale, oo xuquuqda muwaadiinta ayuu leeyahay, waxa jiray go’aan ay Maxkamadda sare soo saartay 2001, mar labaad waxa cusboonaysiiyey Guddoomiyaha Maxkamadda ee imika jooga, laga bilaabo 2001, oo Dastuurka Somaliland ansaxay waxa reeban nidaamkii Qabiilka, waxa lagu dhaqmayaa oo Siyaasadda Somaliland loo marayaa Dastuurka Qaranka iyo Xeerarka ka farcama, Madaxweynuhu markii uu Wasiiraddiisa dooranayey wuxuu ku yidhi Odayna ima kaa keenin, Suldaana ima kaa keenin, waanu reebay in eedaas cid kale la gasho, Salaadiintu ama bari ha jireen ama galbeed ha jireen, ama shaqo dawladdeed ha ka hadleen, ee lama ogola inay qabyaalad iyo wax la mid ah ka hadlaan, rayi dhiibashada saxda ah lama eego ee cid kasta oo sharciga dhawri weyda, waa in sharciga la mariyaa, Madaxweyne hadafka iyo go’aanka aad ku dhawaaqday waa in aanu noqon khad waraaq lagu duugay, laakiin waa inuu sharcigu hirgalaa, Madaxweyne waxaad ka cararaysay ayaa la canqariyey, ee cid kasta oo caqli qabiil umadda ku kala qaybisa ka gudo xilka iyo waajibaadka kala gudboon”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here