“Madaxweyne; Umaddu Waxay Is Waydiinaysaa Mee Women’s Club-kii” in Qiyaas Ayay U Noqon Doontaa Wareegtadaada”Xuseen Axmed Caydiid oo ka tirsn xisbiga Waddani

0
443

Hargeysa(Geeska)-Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, ayaa madaxweynaha digreetadiisii ilaalinta hantida qaranka ku xidhay fulinteeda in dib loo soo celiyo aqalkii Woman's Clup-ka Hargeysa.

Waxa uu Xuseen Axmed Caydiid ku tilmaamay digreetadaas mid aan wakhtigeedii soo bixin isla markaasna su'aalo badan layska waydiiyay, waxaanu arimahan ka sheegay xarun uu xisbiga Waddani ka furanaayay degmada Ibraahin Koodbuur, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Waxay ku socotaa halkii maalintii xisbigu uu yimi oo lix bilood ayuu shaqaalaha ka maqnaa mushaharku, maantana halkaas aynu marayno shaqaalihii mushahar ma qaadan, ta danbana in aanu dhawr iyo labaatanka qaadan ayaa laga yaabaa, inta danbena looguba yimaado ayaa laga yaabaa. Madaxweynaha waxaan maalin dhawayd ka maqalaayay wareegto uu soo saaray oo uu leeyahay hantida umadda ha la ilaaliyo, way wanaagsantahay in hantida umadda la ilaaliyo oo uu madaxweynuu kow ka noqdo oo uu amro in la ilaaliyo, waxaanse leeyahay waxay haboonayd, malaa kowdii iyo labadii bisha sidaadaad ee 2015-ka in wareegtadaasi soo baxdo oo uu umadda ku ilaaliyo."

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi "Waxaan leeyahay madaxweyne wareegtadaas wakhtiga ay soo baxday waxa uu ahaa qalad oo waxa aad soo saartay xili aad meesha ka tagayso, markaad timi inaad soo saarto ayay ahayd, waxa la yidhi caano daatay dabadood la qabaye, inay kaa dhab tahay iyo in aanay kaa dhab ahayn waxa umadda minqiyaas u ah taas Cumar binu khadaab yeelay inaad yeesho ee uu inankiisii lacagtii uu kasbaday uu ka qaaday ee uu baytalmaalka kaga daray inaad yeesho ayay umaddu kaa eegaysaa haddii kale ciyaar iyo iska hadal ayay kaa noqonaysaa. Waxaan xusayaan islaan aan dalka u dhalan islaamna aan ahayn oo Ingiriiska  ku kortay oo ku waynaatay oo qadarku uu Somaliland keenay qarniyo hore ayaa waxay aragtay sida umadda Somaliland ay isaga dayacantahay dumarkuna gaar ahaan u sii dayacanyihiin aduunkii yaraa ee ay kasbatay ayay laba ama saddex qol ka dhistay oo jeebkeeda ayuu ahaa, aqalka la yidhaahdo Woman's Club-ku intaas ayuu ku bilaabmay markii danbe ayay dawlada Ingiriisku yara balaadhisay, umaddu waxay is waydiinaysaa mee madaxweyne Woman's club-kii, min qiyaas ayay u noqon doontaa inay wareegtadaadu run tahay iyo in aanay ahayn, aqalkaasi waxa ay umaddu soo eegayso ayuu ka mid yahay ee qoyskaagu uu kasbaday intaad talada haysay ee aad kursiga ku fadhiday ee aad xoolaha umadda haysay. Waxaan leeyahay tinkii cirro ah ee inaga soo baxaaba waa digniin, aniguna waan cirro badnahay oo digniintaasi way i haysaa adiguna madaxweyne waad iga cirro badantahay, waad iga digniin  badantahay digniintaasi wax haynoo sheegto oo umadda hantideedii aynu u soo celino hadday warqadaasi kaa dhabtahay."