Madaxweyne Trump Oo Madaxweyne Ku Xigeenkii Obama Ku Cariyey In Uu Dagaal Gacanta Ah Ugu Soo Baxo

48
3838

 

Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trumo iyo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Joe Biden ayaa isweydaarsaday hanjabaad iyo is carin ay adeegsadeen ereyo af suuq ah. Labada masuul ayaa uu khilaafkoodu xoogaystay markii madaxweyne ku xigeenkii hore ee xilligii Barak Obama uu dhaliilay habmacaamilka Trump ee haweenka. Hadalka Joe Biden oo ku soo beegmay xilli ay iska soo daba dhacaan xogo madaxweyne Donald Trump ku xidhiidhinaya arrimo la xidhiidha xod xodosho haween ayaa aad uga cadhaysiiyey Trump oo markiiba sidii caadada u ahayd warkan kaga jawaabay barta uu twitter ka ku leeyahay.

Trump waxa uu u hanjabay Joe Biden oo uu ku sheegay nin maskax ahaan aan miyir qabin, oo u ciil qaba in uu isu muujiyo nin xoog ah. Trump waxa uu intaas ku sii daray, ‘In Biden uu yahay maskax ahaan iyo jidh ahaanba daciif ah’ intaas kuma uu joojin Trump hadalkiisa ee waxa kale oo uu markii labaad madaxweyne ku xigeenka hore ugu hanjabay in uu gacan ula tegi doono oo weliba uu garaaci doono. Waxa se xiis gaar ah yeelatay in Trump uu sheegay in aanu wejiga Biden garanayn, kuna cariyey in haddii uu xoog isku hubo uu dagaal gacan ka hadal ah u soo baxo, “Haddii uu gacanka hadal igaga hor yimaaddo, isaga oo ooyaya ayaa aan markaba dhulka u tuuri doonaa” ayaa uu Trump ugu hanjabay madaxweyne ku xigeenka hore. Waxa aanu farriintiisan uu Twitter ka mariyey ku soo gunaanaday, “Joe waxa aan kugula talinayaa in aanad dadka u hanjabin”

Joe Biden ayaa mar uu hadal u jeedinayey dad isugu soo baxay jaamacadda Miami horteeda oo ka soo horjeeday tacaddiyada haweenka lagula kaco, waxa uu khudbaddiisa ku daray, ‘In haddii uu maanta dhalinyaranimo ku noqon lahaa, Trump na ay dugsigii sare isku dugsi ahaan lahaayeen, inta uu Trump la tago garoonka dugsiga dhabarkiisa dambe uu garaacis dhulka ugu tuuri lahaa, isaga oo ka cadhaysan sida foosha xun ee uu dumarka ula macaamilo”

Cajalad cod ahayd oo bishii hore la faafiyey, ayaa uu Trump kaga hadlayey xidhiidhada isaga iyo haweenka, waxa aanu si cad u sheegayey in aanu wax dhib ah u arkayn xod-xodashada haweenka, xitaa haddii aanay gabadhu doonayn. Sida muuqatana Joe Biden waxa uu daba socdaa hadalkaas Trump oo uu munaasabaddan uga faa’iidaystay in uu dib dadka u xasuusiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here