Madaxweyne Trump 298 Maalmood Oo Uu Xilka Hayey Waxa Uu Maalin Kasta Sheegaa In Ka Badan 5 Beenood

29
3859

Washington (Geeska)- Wargeyska The Independent ee ka soo baxa dalka Ingiriiska ayaa war uu dhowaan qoray ku sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump muddadii uu xilka hayey oo ah 298 maalmood in uu sheegay 1’628 beenood ama hadallo marin habaabin dadka ku samaynaya ah. Taas oo marka celceliska la eego ka dhigan in uu maalin kasta sheego 5.5 beenood.
Barnaamij uu wargeyska Washington Post sameeyey markii Trump la doortay oo ahaa in uu hal sano oo keliya dabagal ku sameeyo xaqiiqada ay ku fadhiyaan hadallada uu jeediyo madaxweyne Trump, ayaa ay baadhayaasha loo xilsaaray ogadeen in beenaha uu madaxweyne Trump sheegay 35 kii maalmood ee u dambeeyey oo keliyi ay celcelis ahaan noqonayaan maalintii 9 beenood, arrinta ka sii yaabka badan ee la ogaaday ayaa ah in 50 ka mid ah beenaha uu muddadaas 35 maalmood ah sheegay Trump ay yihiin kuwo uu ku celceliyey mar ama ka badan, oo beenta uu markii hore sheegay ku celceliyey.
Wargeyska The Independent ayaa sheegay in wadarta sheegashooyinka beenta ah ee Trump ay marayso 1,628 beenood taas oo haddii uu sheegidda beenta u sii wado sidii ay ahayd bil ka hor la filayo in dhammadka sannadka koowaad ee muddo xileedkiisana ay beentiisu gaadho 1,999, haddii se uu beenta u wado sida xad dhaafka ah ee uu bishan u dambaysay u sheegayey ay suurtogal tahay in ay beentiisu ka badato 2 kun.
Qormadan uu Geeska Afrika turjumay waxa uu Washington Post ku soo bandhigayaa qaar ka mid ah beenaha waaweyn ee madaxweyne Trump uu sheegay muddadaas:
ObamaCare
Barnaamijka ‘ObamaCare’ oo ah daryeel caymis caafimaad oo uu madaxweynihii hore ee Maraykanku sameeyey si dadka dhaqaalahoodu hooseeyo arrimaha caafimaadka looga caawiyo. Barnaamijkan oo ku dhisan sharci lagu magacaabo ‘Xeerka daryeelka caafimaad oo qiimihiisu maangal yahay’ laakiin dadka Maraykan ku naanayseen ‘Obama Care’ ayaa uu Trump 60 jeer oo uu ka hadlay yidhi, ‘Sharcigaasi waa uu dhintay’ taas oo been noqotay oo uu sii shaqaynayo weli dadka ka faa’idaystaana bishan Noofambar oo keliya gaadheen 200 oo kun.
Trump xilligii ol’olaha waxa uu ku celcelin jiray in ‘Sharciga ObamaCare’ uu tirtiri doono laakiin illaa hadda waa uu ku guulaysan kari waayey, kadib markii uu golaha sharci dejinta ku qancin kari waayey beddelka xeerkaas waxa uu keenayo.
Fursadaha shaqada
Warbixinta Washington Post waxaa lagu sheegay in Trump muddadii uu xilka hayey uu 55 jeer ballan qaaday in uu fursado shaqo dalka ka abuurayo, iyo in la maalgelin doono hawlaha ganacsiga Maraykanka, laakiin illaa hadda lagama hayo wax uu ka qabtay arrintaas, iyada oo la ogyahay in maamulkii ka horreeyey ee Obama hawlo badan ka qabtay.
Trump waxa uu hore u ballan qaaday in shirkadda Exxon Mobil oo uu leeyahay wasiirka arrimaha dibadda Maraykanka Rex Tillerson ay abuuri doono 35 kun oo shaqo oo dhinaca dhismaha ah, iyo 12 kun oo shaqo oo joogto ah, isaga oo weliba ku faanaya in sababta sidaas ay shirkaddu u samaynaysa ay tahay Trump dartii, laakiin warkaasi been ayaa uu noqday oo illaa hadda waxba kama soo naasacadda.
Cashuuraha
Madaxweyne Trump waxa uu 31 jeer oo kala duwan sheegay in Maraykanku uu maanta yahay dawladda cashuurta ugu qaalisan dunida qaadda, laakiin run ma’aha oo waxaa la ogyahay in wakaaladda Iskaashiga iyo horumarinta dhaqaalaha adduunku ay caddaysay in dalka Denmark uu yahay kan ugu cashuurta qaalisan dunida oo dhan.
Waxa kale oo uu 19 jeer oo kala duwan sheegay in Maraykanku uu yahay dalka cashuuraha ugu qaalisan ka qaada shirkadaha waaweyn, laakiin taasina been baa ay noqotay, oo waxaa la caddeeyey in dalka Maraykanku uu kaalinta Afaraad kaga jiro qaalinimada cashuuraha laga qaado shirkadaha waaweyn. Sida uu caddeeyey xafiiska miisaaniyadda ee aan xisbiga ahayn oo uu leeyahay golaha Kongareeska Maraykanku, dalalka cashuuraha ugu badan shirkadaha waaweyn ka qaadaa waxa ay kala yihiin, Ingiriiska, Arjentiina iyo Jabbaan oo sida ay u kala horreeyaan u sii kala badan, waxa aana kaalinta afaraad soo gelaya Maraykanka.
Weli cashuuraha ayaa aynu ku jirnaa e’ waxa uu madaxweyne Donald Trump sheegay in qorshaha dib-u-habaynta iyo wanaajinta cashuuraha ee uu wadaa uu keenay cashuur dhimistii ugu badnayd ee taariikhda Maraykanka oo la sameeyo. Nasiibdarro warkan oo uu Trump khudbado kala duwan ku sheegay 40 jeer, waa war been ah. Inta aan meel fog laga raadinna waxaa maragga furaysa wasaaradda maaliyadda Maraykanka oo caddaysay in cashuur dhimista ku jirta qorshahan dib-u-habaynta cashuuraha ee Maraykanku uu noqonayo kii siddeedaad ee ugu weynaa Maraykanka, oo ay ka horreeyeen 7 cashuur dhimisood oo ka waaweynaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here