“Madaxweyne, tii Rayaale Lagaga Soo Horjeestay Adiga Lagaa Yeeli Maayo”

15
852

Picture2Hargeysa (Geeska) – Boqorka dhalinyarada Somaliland, Cabdilaahi Xuseen Axmed (Boqor Jaleelo), ayaa baaq u diray Madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo axsaabta qaranka, waxaanu ka hadlay talaabadii xukuumaddu ay Musharaxa Madaxwayne ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen kaga hor-joogsatay Gobolka Gabiley.

War-saxaafadeed uu Boqor Cabdilaahi Xuseen Axmed, shalay soo saaray, ayuu wax laga xumaado oo aan loo dul-qaadan Karin ku tilmaamay talaabadii Jamaal Cali Xuseen loogu diiday inuu tago Magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka Gabiley toddobaadkii hore.

War-saxaafadeedka boqor Jaleelo, ayaa u dhignaa sidan “Waxaa ka soo yeedhaya gobolka Gabilay maaha wax loo dulqaadan karo, in masuuliyiin xisbi qaran ka tirsan in loola dhaqmo sifo khaldan oo boolisku ka hor istaago hawl xisbi oo dastuurku xaq u siinayo.  Arinkaas maanta dhacdayna haddaan la qaban oo aan sharciga la ilaalin waxa ka soo socdaa waa khalkhal galin ummadda lagu wado”

Boqor Jaleelo, waxa kale oo uu war-saxaafadeedkiisa Madaxwayne Siilaanyo ku xasuusiyey taageeradii ay dhalinyaradu u fidisay wakhtigii doorashada Madaxtooyada “Madaxweyne shalay markaad xisbiga mucaaradka ah hogaaminaysay ummadda Somaliland siiba dhalinyartu si buuxda ayay kuu raacday, waxaana lagugu taageeray inaad ilaalin doonto xuquuqda muwaadiniinta Somaliland masuul iyo shicibba. Sharciguna inuu mar walba yahay ka lagu kala baxayo,  Haddaba Madaxweyne tii shalay Rayaale lagaga soo horjeestay ee adiga lagugu raacay, lagaa yeeli maayo in aad maanta adigu jabiso” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Madaxweyne waxaanu kaa codsanaynaa aniga oo ku hadlaya afka dhalinyarta Somaliland ee aan Boqorka u ahay, In talaabo sharciga waafaqsan laga qaado ciddii hawshaa (Diidmadii Gabiley Ee Jamaal Cali Xuseen) sidaas u maamushay, sharcigana lala tiigsado”

Boqorka dhalinyarada reer Somaliland, wuxuu fariin u diray Asxaabta Mucaaradka ah “Xisbiyada mucaaradka waxaan leeyahay, nimanyahow waxaad tihiin tiir ka mid ah tiirarka qarankani ku taagan yahay, Markaa idinkuna waa inaad ka shaqaysaan isku haynta iyo midnimada ummadda. Wixii ammaanka khalkhal galinayana dhinac uga soo wada jeedsataan Isla-markaana dadka hormood ugu noqotaan u hogaansanaanta sharciga”

 

Comments are closed.