Madaxweyne Silanyo Oo safar Ugu Baxay Dalka UAE

0
1144

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa shalay socdaal ugu baxay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxtooyada Somaliland ayaa sheegtay in safarka Madaxweynuhu yahay mid u gaar ah, waxaanu Madaxweynuhu socdaal hore oo Imaaraadka Carabta ah ka soo laabtay bishii hore ee Julay. Madaxweynaha waxa weheliya xaaskiisa iyo xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac.

Madaxweynaha ayaa warar madaxbanaani waxay sheegayaan suurtogalnimada inuu u tagayo dhakhaatiir uu balan hore ula lahaa oo safarkiisaas hore kula talisay inuu dhawr toddobaad ka dib ku soo laabto.