Madaxweyne Siilaanyo: Wuxuu La Dabaashay Ardayda Jaamacadda Culuunta Badda

0
522

Picture3Berbera(Geeska)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa shalay wakhti la qaatay ardayda Kulliyadda Badda ka dhigata Jaamacada Berbera oo uu shalay kula dabaashay biyaha badda Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dabaasha ka dib wuxuu yidhi “waan ku faraxsanahay in aan wakhti la qaato lana dabaasho kuna dhiiriyo dhalinyarada Dalka qaar ka mid ah inay dalkooda wax ku bartaan oo ay soo baxaa dhalinyaro aqoon dheeriya u leh baddooda, waxanan ku dhiirigelinayaa inta kale een nasiibka u helin inay badda wax ka bartaan inay ku dhiiradaan oo ay ku dedaalaan inay dalkooda wax u bartaan kuna kalsoonadaan oo aanay ka tahriibin naftoodana aanay haligin.”

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku sugan magaalada Berbera, isagoo ku sii jeeda magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.