Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Saqdii Dhexe Xilkii Ka Qaaday Wasiirkii Ganacsiga Iyo Khilaafka KULMIYE Oo La Aaminsanyahay Inuu Sahayday

0
663

Picture6Ma dhabaa in Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar laga raacay taageerada Muuse Biixi?

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay saqdii dhexe xilkii ka qaaday wasiirkii ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, waxaana xilkaas loo magacaabay Dr. Muuse Qaasim Cumar. Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Dr. Maxamed Cabdillaahi xilkii uu madaxweynuhu ka qaaday. “Mudane, Waxa aan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo. Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaas ayaa lagu yidhi xil ka qaadista uu madaxweynuhu xalay shaqadii kaga fadhiisiyay wasiirkii ganacsiga, waxaanu warsaxaafadeedka oo ka hadlay masuulka xilka loo magacaabay uu yidhi, “Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Muuse Qaasim Cumar, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.”

Xil ka qaadista wasiir Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa lala xidhiidhinayaa khilaafka xisbiga KULMIYE, gaar ahaan khilaafka ka dhex jira hogaanka xisbiga iyo guddigii shirguddoonka shirweynihii KULMIYE, oo uu Dr. Maxamed Cabdillaahi ka mid ahaa, isagoon ka soo xaadirin shirarka jaraa’id ee ay guddigu ku difaacaysay go’aanka ay magacaabeen golaha dhexe ee KULMIYE, waxaana la aaminsanyahay in Dr. Maxamed Cabdillaahi uu taageersanyahay guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.