Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Burco U Hoyday

0
693

Picture3Burco(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo safar ku maraya qaar ka mid ah gobalada dalka, ayaa xalay cawayskii soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer.

Madaxweyne ayaa la filayaa inuu magaalada Burco joogo laba maalmood, kagana qayb galo xaflad qalin jebin ah oo  loo samaynayo ardayda jaamacadda Burco.

Madaxweynaha, waxa safarkiisa ku weheliya raxan wasiiro ah, taliyayaasha ciidamada qaranka iyo Booliska, waxaanu toddobaadkii hore safarkiisa ka bilaabay gobalka Awdal.