Madaxweyne Siilaanyo Oo Wasiiradiisa Kula Sii Dardaarmay Inay Damiyaan Siyaasadda Cusub Ee Habar-Magaado Iyo Halista Ay Xukunkiisa Ku Leedahay

0
963

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa koox wasiiro ah oo uu la kulmay duhurnimadii Jimcihii, wuxuu kula dardaarmay inay la socdaan dufaano mucaaradeed oo xukuumadiisa kaga imanaya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, kuwaas oo uu sheegay inay riixayaan siyaasadda Habar-magaado.Ilo xogogaala ayaa sheegay in Madaxweynuhu wasiirada uu la kulmay oo ahaa wasiirada ka soo jeeda Beelaha Habaryoonis, uu kala hadlay siyaasad cusub oo uu sheegay inuu xisbiga Waddani dhaqdhaqaajinayo oo ah abaabulka haybta Habar-magaado, waxaana la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo tilmaamay halista ay siyaasadaas cusubi ku tahay xukuumadiisa iyo xukunkiisaba, waxaanu wasiiradaas ka soo jeeday Beelaha Habaryoonis ka codsaday inay arrintaas la socdaan, kana hortagaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo xubnaha wasiirada ah ka codsaday inay la kulmaan guddoomiye Cirro kalana hadlaan mawduucan, iyadoo la sheegay inay ragga qaar soo jeediyeen in Cirro loo tilmaamo in siyaasadaas cusubi ay dalka halis ku tahay si uu ugu soo dabco soo jeedintooda.

Waxa uu warku tilmaamay in xubno wasiiro ahi halkaas ka soo jeediyeen talooyin dhawr ah oo siyaasadaas cusub lagaga hortagi karo, sida in la bilaabo shirar jaraa’id oo lagu weerarayo siyaasadaha xisbigaas Waddani.

Lama oga meel uu xisbiga Waddani siyaasadaas Habar-magaado ku abaabulayo, waxase muddooyinkii u dambeeyay magaalada Hargeysa laga dareemayay shirar doceedyo u socday siyaasiyiin mucaarad ah oo reer Hargeysa ah iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani. Kulamadaas ayay ujeedadoodu ahayd sidii taageero loogu muujin lahaa xisbiga Waddani oo ay aaminsanyihiin inuu noqon doono hoyga kulmiya mucaaradka Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa, waxaana magaalada Hargeysa laga dareemayaa taageero u soo kordhaysa xisbigaas.