Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Wasiirka Xanaanda Xoolaha Somaliland

0
1428

Siilaanyo2Hargeysa (Geeska) Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa tacsi u diray wasiirka xanaanada xoolaha, isaga oo ka tacsiyadeeyey geeridii ku timi adeerkii Saxardiid Maxamed Siciid.

Madaxweynaha ayaa tacsida uu u diray wasiirka xanaanada xoolaha ku yidhi sidan:-

Date: 21/05/2011

Tacsi

 

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) waxa uu Tacsi u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida naxdinta leh ee ku timid ADEERKII SAXARDIID MAXAMED SICIID. 

Waxa kale oo uu madaxweynuhu tacsidan mid la mid ah u dirayaa Eheladii, Qarabadii, Asxaabtii, iyo Qoyskii uu ka baxay MARXUUN SAXARDIID MAXAMED SICIID. 

 Marxuumka oo lagu aasi-doono beri (Axada) magaalada Burco, waxa uu Madaxweynuhu MARXUUMKA ILLAAHAY uga baryayaa inuu Naxariistii  Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo. 

 

INNAA ILLAAHI WA INNAA ILLAAHI RAAJUCUUN

 

Xafiiska  Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Wargeyska Geeska Afrika