Madaxweyne Siilaanyo Oo Salaadii Jimce Shalay Ku Tukaday Masaajidka Rusheeye

0
508

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed (Siillaanyo)  ayaa Shalay qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Caasimadda Hargeysa Salaadii Jimce kula tukadday  Masaajidka Rusheeye ee uu Imaamka ka yahay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo ku yaala badhtamaha Magaaladda Hargeysa. Madaxweynaha waxa tukadashada salaadaasi jimce ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Gudaha,Maayar Ku Xigeenka Caasimadda, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac), iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.Waxaana  madaxweynaha masaajidka ku qaabilay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, isagoo la tukashada shacabka ee Madaxweynaha ku tilmaamay talaabo wanaagsan oo ku dayasho mudan.