Madaxweyne Siilaanyo Oo Salaadii Jimce Shalay Dadka Kula Tukaday Cali Mataan

0
502

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa salaadii Jimce shalay dadweynaha kula tukaday Masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaalada Hargeysa, halkaas oo markii danbe uu dhex qaaday Suuqa weyn.

Madaxweyne Siilaanyo oo ku tukan jiray Masaajid ku yaala Madaxtooyadda ayaa shalay ka soo baxay, waxaana weheliyay wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, taliyaha booliska sareeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, xildhibaan Nacnac iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Ka sakow, tukashadii salaada, wuxuu madaxweynuhu dhex qaaday suuqyada ku teedsan masaajidka Cali Mataan sida Sarriflayaasha, dahablayaasha iyo meheradaha teedsan badhtmaha Suuqa.