Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Dheer Ka Dib Xalay U Hoyday Berbera

0
470

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilanayo oo ku gudo jira safarkiisii gobalada galbeedka dalka, ayaa shalay isku soo maray magaalooyinka Saylac iyo Lughaya oo uu ku dhagaxdhigay dekedda lughaya isla markaasna shacabka uu kula hadlay magaalooyinkaas.

Waxa uu madaxwene Axmed Siilaanyo uu xalay soo gaadhay oo uu  u hoyday magaaladda Barbera ee gobalka Saaxil isaga oo safar dheer oo uu Lughaya kaga soo dhaqaaqay ku maray deegaanada gubanka Somaliland, waxaana la filayaa inuu maanta uu la hadlo dadweynaha reer Berbera, isla markaasna uu u dhaafo gobalada bariga Somaliland, gaar ahaan gobalka Sanaag.

Waxa safkiisan madaxwenaha ku welinaayay wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirada arimahagudaha,dibada,madaxtooyada,caafimaadka,waxbarashada,beeraha,kaluumaysiga,gaashandhiga, wasiir ku xigeeno iyo sida oo kale xildhibaano.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu gaadho wadada dhismaheeda ay xukuuamddu u ololaynaysay ee Ceerigaabo oo qayb ka mid ah qalabkii lagu dhisi lahaa uu shalay gaadhay.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa markii uu dhagax dhigaayay dekeda Lughaya waxa uu sheegay inuu ku faraxasan yahay in dekedaas uu dhagax dhigo taariikhdana ku galo waxaana  hadaladiisa ka mid ahaa  “Farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta fursad u helo in aan dhagax dhigo dekeda lughaya  oo aan taariikhda ku galo oo magac iyo maamuus aynu ku wada yeelano, aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin.”

Safarkan madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ku marayo gobalada dalka ee ay ku weheliyaan qayb ka mid ah golahiisa wasiira iyo xildhibaano ayaa ah mid uu ugu koor galaay xaalada deegaanada kala duwan ee dalka, waxaana aan ka madhnayan is muujin dhanka waxqabadka ah oo uu shacbiga Somaliland u muujinaayo.