Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaabilay Madaxa Hay’adda FAO

0
574

Picture7Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa- Hay’adda FOA u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya sidoo kalena ah Madaxa Kenya u qaabilsan ahna Madaxa Geeska ee FOA, Mr. Luca Alinovi iyo Ku xigeenkiisa.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Beeraha JSL, Prof. Faarax Cilmi Geedoole, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Mudane, Cabdilaahi Ismaaciil Faarax iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane, Cali Axmed Cali, waxa ay labada dhinac ka wada hadleen wada shaqaynta ka dhaxaysa iyo sidii loo soo xoojin lahaa.

Kulanka ka dibna waxa Warbixin ka siiyey saxaafada Wasiirka Beeraha iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka ugu danbayna. Waxa kale oo halkaas ka hadlay Luca Alinovi oo isna Somaliland uga mahadceliyay sida diiran ee loo soo dhaweeyay.