Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Laba Degmo Oo Cusub

0
604

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay magacaabay laba degmo oo cusub, waxaanay kala yihiin degmooyinka Gudmo Biyo-cas iyo Ceegaag oo ka tirsan gobalada Sanaag iyo Saraar. Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa wuxuu u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014 ku magacaabay laba Degmo oo Cusub.  MADAXWEYNUHU:-

 Markuu Arkay:                 Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Arkay:    Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;  Markuu Tixgeliyey:         Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;  Markuu Tixgeliyey:         Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub; Markuu Dhegeystay:      Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

 Wuxuu go’aansaday;

1.In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.

2.In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo.”