Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Ugu Socdaalaya Gobalada Galbeed Ee Wadanka

0
609

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta socdaal ugu baxaya gobalada galbeed ee dalka, waxaanu lugtiisa u horaysa ka bilaabayaa magaalada Borama ee gobalka Awdal.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu magaalada Borama xadhiga kaga jaro mashaariic waddooyin ah oo qaarkood ay dawladda hoose hirgelisay, waxaanu markii u horaysay uu madaxweynuhu doorkan gaadhayaa magaalada Saylac ee xarunta gobalka Selel, halkaas oo la filayo inuu habeeno u hoydo.

Madaxweynaya ayaa la filayaa inuu magaalooyinka Borama iyo Saylac kulamo kula yeesho odayaasha iyo wax garadka deegaanadaas.