Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Ku Soo Beegan Hargeysa

0
553

Picture7Burco(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu dib ugu soo noqdo caasimada Hargeysa, ka dib safar dheer oo uu ku gaalaa bixiyay gobalada galbeedka iyo bariga dalka.

Madaxweyne Siilaanyo  iyo Waftigii la socday ayaa Shahaadooyin gudoonsiiyay arday ka qalin jabisay Jaamacadda Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer kuwaasi oo bartay Kuliyado kala duwan.

Qalinjabinta ardaydan oo ka dhacday Hoolka Jaamacadda Burco ayaa waxa ka soo qaybgalay madaxda Xukuumadda Ugu sareysa ,qaybaha Bulshadda  ,Masuuliyiinta Jaamacadda Burco iyo Marti sharaf kale ,inkastoo aaney ka soo xaadirin Hugaanadda Xisbiyadda Mucaaridka ee gobolkaasi..

Madaxweynaha iyo Masuuliyiintii Xafladaasi ka qaybgalay ee ka hadlay ayaa soo dhaweeyay ardaydan ka qalinjabisay Jaamacadda Burco ,kuwaasi oo ay noqonaaya kuwii ugu badnaa ee 8 sano ee Jaamacadu dhisnayd ka qalinjabiya.

 Sidoo kale Madaxweynaha Somaliland iyo waftiga uu horkacaayay ayaa xadhiga ka jaray Dhisme cusub oo lagu kordhiyay Guriga Martida ,xarun loo dhisay dhagoolayaasha iyo Wado cusub oo ay Magaalada Burco ka hirgalisay Dawladda Hoose ,taasi oo ay dhaqaalaheeda iska kaashadeen Dadweynaha Magaaladaasi iyo Dawladda Hoose.

Waxa kale oo Madaxweynuhu dhagax-dhigay Wado cusub oo Dawladda Hoose ka dhisayso Jidka loo maro Jaamacadda Burco ,taasi oo hawsheeda la bilaabayo.

Waftigan uu horkacaayo Madaxweynaha Somaliland oo mudooyinkii u danbeeyay safar ku maraayay goboladda dalka ayaa waxa uu xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay magaalada Burco.