Madaxweyne Siilaanyo Oo Khudbad Ka Jeediyay Jaamacadda Camuud, Xadhigana Ka Jaray Waddo La Dhisay

0
494

Picture5Borama(Geeska)-Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo oo ay weheliyaan,Wasiirrada wasaaradaha Madaxtootada, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibada, Xidhiidhka Golayaasha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Kaluumaysiga, Beeraha, Warfaafinta, Waxbarashada, Caafimaadka, Gaashaandhiga, Taliyayaasha ciidanka Booliska iyo Qaranka Xildhibaano ka tirsan golayaasha qaranka iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa gaadhay magaalada Boorama, iyagoo uga sii gudbaya gobalka Selel.

Madaxwayne Siilaanyo ayaa markii uu gaadhay gobolka Awdal si wayn loogu soo dhaweeyay, waxana ka hor tagay Maamulka Gobolka kan degmada, xildhibaanada golaha degaanka Boorama, Madaxda hayada ASARDA oo martiqaadaka madaxwaynaha iska lahaa, salaadiin, culimo, waxgarad iyo dadwayne aad u tiro badan.

Madaxwaynaha waxa uu xadhiga ka jaray jid cusub oo dhererkiisu dhan yahay 24km kaasi oo isku xidhaya magaalooyinka Dila iyo Boorama, kaasi oo ay xukuumadu intiisa badan maalgalisay dhismahiisana ay gacanta ku haysay hayada hormarinta jidadka Awdal iyo Salal ee ASARDA. Sidoo kale waxa uu Madaxwaynuhu dhagax dhigay jid kale oo mustaqbalka la dhisi doono oo isku xidhi doona Magaalada Boorama iyo Magaalada Lawyacado ee xuduuda Somaliland iyo Djibouti.

Madaxwayne Siilaanyo iyo Wafdigiisu waxa ay ka qayb galeen madal balaadhan oo si wayn loo soo agaasimay, oo ka qabsoontay hoolka Jaamacada Camuud, waxana halkaasi ku kulmay haldoorka gobolka Awdal. Madashan waxa ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi Xaaji Ciise waxana uu ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu jidkani soo maray waxana uu yidhi “Mudane Madaxwayne waa noo farxad inaad xadhiga ka jarto dhismaha jidka Dila iyo Boorama isku xidha oo taariikhda Somaliland markii ugu horaysay ay xukuumadaadu suura galisay inuu dhismo, hindisaha dhismaha jidkan waxa uu ahaa mid mudo dhawr sano ka hor ah soo bilaabmay, waxana uu ahaa hami caafimaad qaba ku dayasho mudan oo maanta iftiinkiisu uu dalka oo dhan ku baahahay, dadka reer Somaliland-na dareensiiyay inay wax qabsan karaan hadii la taageero.”

Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Waxa aan anaga oo Camuud ah ka marag kacaynaa in xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay tahay xukuumadii Waxqabadka, sidoo kalena waxa aan sheegayaa in xaalka dalku uu maanta yahay mid wanaagsan gaar ahaan siyaasada arimaha dibada oo loo magacaabay masuulkii ku haboonaa, waxana aan leeyahay dalka laba dawladood kama wada jiri karaan ee Xukuumada Kulmuye ha loo daayo hagida siyaasada arimaha dibada hana lagu taageero.”

Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa xukuumada iyo Madaxwayne Siilaanyo ku bogaadiyay waxqabadka ay muujiyeen waxana uu yidhi “Marwalba oo tartan yimaado waxa badan inta hadalka badinaysa , waxana aan leeyahay madaxweyne Siilaanyo adigu fadhiga isaga tasbiixso, umadana u sheeg waxqabadkaaga kuna dheh intana waan qabtay, inta dhimana waan qabanayaa ee sidaas igu doorta, anaguna waan ka marag kacaynaa in aad wax lataaban karo oo waxqabad ah la timid”

Maayarka Boorama Md.Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaab ku xigeena Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal ayaa iyaguna xukuumada ku amaanay waxqabad, sidoo kalena ka marag kacay in hayada ASARDA oo ka wakiil ah bulshada goboladan ay astaan u tahay waxqabad ay umada Somaliland u bandhigi karto dunida.

Madaxwayne Md.Axmed Maxamed Siilaanyo oo Hadaka soo afmeeray ayaa yidhi “Waxa aan aad ugu faraxsanahay soo dhawaynta balaadhan ee milgala leh ee aan aniga iyo wafdigaygu kala kulanay dadka ku nool gobolka Awdal, waxa aan u mahadnaqayaa hayada ASARDA iyo dhamaan hayadaha kale ku hawlan dhimaha jidadka dalka, waxa aan ka marag kacayaa in wadooyinku yihiin halbowlaha koboca dhaqaalaha ee dalka, kuwa sahla is dhexgalka dadka iyo hormarka bulsho, sidaasi aawadeed, kuxuumadaydu waxa ay garawsan tahay arimahaas oo dhan, waxana aan hiil iyo hooba ka gaysan doonaa dhimaha jidadka dalka, waxana aan shacabka ugu baaqayaa in dhinacooda ay ka qabtaan oo ay taageeraan hormarka ay xukuumadu wado, nabadgalyada adkaynteeda iyo iskuduubnida shacabka Somaliland.