Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Dp World Ku Soo Bandhigtay Qalab Ay Keentay Dekedda Berbera

0
1025

Berbera(Geeska)-Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo , ayaa ka qaybgalay munaasabada balaadhan oo shirkadda DPWorld kusoo bandhigtey qalabkii ugu tirade badnaa ee lagu soo kordhiyo dekadda Berbera, isla markaana waxa uu Madaxweynuhu dhagaxdhigey Dhul lagu qiyaasay dhawr iyo toban KM oo laga dhisi doono Free Zone-ka dekada Berberi yeelan doonto oo wax weyn ka tari doona isticmaalka dekadda.

Munaasabadan waxa ugu horeyntiii madaxweynuhu warbixin kaga dhagaystay ku-simaha madaxa shirkada DPWorld ee Somaliland Mr. Superchia oo ka xogwaramay tirada qalabka ay kusoo kordhiyeen dekadda oo lagu soo bandhigay barxada dekada, kuwaas oo ka koobnaa 4 fork liftaro casri ah, 10 tareele oo konteenarada qaada, 2 kalmar oo casri ah iyo10 seebaydharo casri ah oo kor u qaadi doonaadeega guud ee dekada berbera.

Mr. Superchia waxa kale oo uu sheegay in muddadii koobnayd ee ay dekadda ay gacanta ku hayeen ay ku talaabadsatay dekadu horumar mug leh oo dhinac kasta ah, iyadoo 60% ay kor u kacday adeega dekada ee dejinta kontiinarada, halka dakhliga adeega dekada uu gaadhay halkii u sareysay abid intii dekadda berbera jirtay. Sidoo kalena waxa uu xusey in ay gacan weyn ka geystaan horumarinta adeega bulshada G/saaxil sida caafimaadka, biyaha iyo waxbarashada.

Maareeyaha dekada Berbera, ayaa isna si qoto dheer uga warbixiyay horumarka muga iyo miisaanka leh ee shirada DPWorld kusoo kordhisay dekada Berbera tan iyo intii ay la wareegtay gacan ku haynta

maamulkeeda.  Gudoomiyaha shirkada shaqaalaha xoogsatada ee Stevedores Ciise Cali  iyo madaxa hawlgalinta DPWorld ee dakada Berbera Faysal Xabashi, ayaa iyaguna dhankooda ku dheeraaday isbedelka ku yimid daryeelka shaqaalaha, mushahaarooyinka iyo adeega guud ee dekadu bixiso, waxaanay xuseen in kor loo qaaday mushaarooyinka shaqaalaha iyo daryeelkoodaba, isla markaana xukuumadu ballanqaaday inay bixiso xuquuqda shaqaalaha shirkadda Stevedores oo waxna la siisay inta kalena miisaaniyadda loogu daray.

Maamulaha Kastomka dekada Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday inay kordheen cashuuraha iyo ajuuraanka dekadu 580%, kontiinarada canshuurtooduna korodhay 30%, halka canshuurta kastamku kor u kaceen 10%.

Wasiirka wasaarada

madaxtooyada Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa isna sheegay in siyaasadda xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Siilaanyo tahay sidii dalkan maalgashi caalami ah uu u heli lahaa dekada Berberina tusaale muuqda u tahay faa’iidooyinka maalgashigu dalkan u leeyihiin oo maanta muddo yar oo kooban ka dib aynu ka wada markhaati nahay horumarka ay Marsada Berbera ku tallaabsatay.

Madaxweyne Siilaanyo oo ereyo kooban halkaasi kasoo jeediyay, ayaa waxa uu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu kazoo qayb galo munaasabada oo muhiimad gaara u leh Qaranka,  qalabkan lwax weyn ku soo kordhin doono dekadda Berbera, waxaanu ku amaanay cid kasta oo gacan ka geystay oo suurtagalisay.