Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhagax Dhigay Xarunta SONYO

0
552

Picture1Hargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa khamiistii Dhagax dhigay Dhisme cusub oo loo dhisayo Dalladda Heer Qaran ee ay ku bahoobeen Dhallinyarada Somaliland ee SONYO.

Xaflad Kooban Oo madaxweyne Siilaanyo Dhagax ku dhigay waxa ku wehelinayay Guddoomiyaha dalladda heer Qaran ee Ururada Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani, Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali Siciid Raygal Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, Agaasimaha Fulinta SONYO Md. Siciid Maxamed Axmed, Xubno ka socday Golaha Sare ee SONYO iyo Marti sharaf Kale.

Kadib Markii Madaxweynaha Somaliland Xadhiga ka soo jaray Xarunta cusub ee Dhismaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa uu lug ku yimid goobta cusub ee laga binaynayo Dhismaha Dalladda SONYO oo ah xaruntii hore ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha. Madaxweynuhu markii uu goobta soo gaadhay waxa soo dhaweeyey Masuuliyiinta SONYO oo uu guddoominayo Mubaarik Ismaaciil Taani oo Madaxweynaha uga mahad celiyey sida qiimaha badan ee uu ugu heellan yahay wax ka qabashada arrimaha dhallinyarada Somaliland isaga oo ku ammaanay doorka uu ka qaaatay sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland (Somaliland Youth Development Fund).

Guddoomiyaha SONYO Mud Mubaarik Ismaaciil Taani waxa uuu sheegay in dhismahani yahay mid loogu tallo galay dhallinyarada Somaliland isaga oo madaxweynaha uga mahad celiyey siinta uu siiyey xarunta dhismaha laga dhisayo iyo doorka ay ka qaadan doonaan dhismihiisaba. Wasiirka Ciyaaraha Md.Cali Siciid Raygal oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dhismahan loo dhisayo Dallada SONYO uu yahay mid ay u baahan yihiin, waxaanu madaxweynaha uga mahad celiyey sida quruxda baddan ee uu ugu deeqay bahda dhalinayrada dhulkaasi uu siiyey.

Wasiir Raygal waxa uu SONYO ku ammaanay sida ay u barbar taagan tahay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo ay u tahay gacanteedii Midig. Intaa kadib Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo hadalkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukuumad ahaan mar walba barbar taagan yihiin dhallinyarada kuna dadaali doonaan in ay wax badan ka qabtaan doorka ay SONYO kaga jirto horumarinta dhallinyarada isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu door weyn ka qaadan doonto dhismaha Xarunta SONYO. Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiyaha Dalladda SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Wasiirka Dhallinyarada ciyaaraha iyoDalxiisku si wada jir ah u dhagax dhigeen Dhismaha weyn ee ay dalladda SONYO yeelan doonto markii ugu horraysay tan iyo aasaaskeedii oo haatan laga joogo muddo 11 sanadood ah.