Madaxweyne Siilaanyo Oo Amar Ku Hakiyay In La Joojiyo Qaadashada Shaqaalaha Cusub

0
495

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa amar ku bixiyay in la joojiyo qaadashada shaqaalaha cusub ee dawladda, waxaanu soo jeediyay in awoodda la isugu geeyo gurmadka abaaraha baahsan ee dalka ka jira.

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu shalay kulan la yeeshay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha, ku xigeenkiisa iyo guddiga shaqaalaha dawladda. Afhayeenka madaxtooyada oo markii kulanku dhammadaay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in la joojiyay hawlgelinta iyo qaadashada shaqaale cusub oo dawladeed “Madaxweynuhu wuxuu kulan la yeeshay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha iyo komishanka shaqaalaha dawladda oo warbixin tifaftiran ka siiyay habsami u socodka hawlaha ay qaranka masuul uga yihiin sida qoritaanka shaqaalaha, tayaynta iyo dhiirigelinta, xaqsiintooda iyo inay u kuur galaan dhammaan gobalada.” ayuu yidhi, waxaanu isagoo sheegaya go’aanka madaxweynaha uu yidhi “Abaaraha ayaa keenay in la hakiyo shaqaalihii dawladda ee cusbaa, madaxweynuhu wuxuu go’aamiyay in ahmiyada koowaad tahay in abaaraha loo gurmad oo la samato bixiyo. Shirkii wasiirada ee khamiista wuxuu madaxweynuhu go’aamiyay in la hakiyo qoritaanka shaqaalaha dawladda oo aan awoodeena isugu geyno gurmadka abaaraha.” sidaas ayuu yidhi afhayeenka madaxtooyada Somaliland.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha Md. Sharmaake Axmed Muxumed Geele oo isna halkaasa ka hadlay ayaa sheegay in inkastoo ay madaxweyne Siilaanyo ahmiyada koowaad u tahay shaqaalaysiinta dhallinyarada dalka, haddana inay dalka ka jirto abaar adag oo sababtay in awoodda la isugu geeyo sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraysan.

Guddoomiyuhu wuxuu u soobandhigay madaxweynaha in baahiyaadka aasaasiga ee hay’adda shaqaaluhu ay leedahay wixii loo qaban karo xukuumad ahaan loo qabto si shaqaaaha loo tayeeyo.