Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi: Saaxiibbo Mid Kasta Kan Kale Ka Sugayo Abaal Uu U Galay In Uu Gudo Iyo Loollanka Adag Ee U Bilowday

0
820

muuse-iyo-siilaanyoHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu toddobaadkan ku dhawaaqay inuu yahay murashax xisbiga KULMIYE gudihiisa uga tartami doona inuu noqdo murashaxa madaxweyne ee xisbiga u meteli doona doorashada madaxtooyada ee kal dambe qorshaysan inay qabsoonto.

Hadalka Muuse Biixi, wuxuu yimid maalmo uun ka dib markii uu dhammaaday shirweynihii xisbiga KULMIYE islamarkaana si rasmi ah loogu sharciyeeyay guddoomiyaha xisbiga muxaafidka ah ee shanta sannadood ee soo socota. Laakiin dhawaaqiisu wuxuu sababay isweydiino badan, iyadoo uu cadeeyay inuu gudaha xisbiga kula tartami doono Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Muuse iyo Siilaanyo

Hadalka Muuse Biixi, waa mid culayskiisa leh, oo dad badan ku dhaliyey dareen ah in uu sugayay uun inta uu shirweynaha KULMIYE qabsoomayo, sidoo kale waxaa soo baxay faham ah in shakhsiyada Muuse Biixi tahay mid aan si fudud loo malayn karin, marka la eego kaadhka siyaasadeed ee uu wakhtigan ciyaaray. Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Muuse Biixi Cabdi, waxa ay isla soo mareen waayo siyaasadeed oo wejiyo badan, kuwaas oo lahaa qadhaadh iyo macaanba. Tusaale ahaan marka la eego dhawr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyay waxa ay heshiis ku ahaayeen ka midho dhalinta xisbiga KULMIYE, taas oo aakhirkii sababtay in Madaxweyne Silaanyo noqdo hoggaamiyaha qaranka. Guusha Madaxweyne Siilaanyo wuxuu Muuse Biixi ka ciyaaray door muhiim ah, tan iyo markii uu sannadkii 2003 Daahir Rayaale kaga guulaystay doorashadii madaxtooyadana marna kama uu ag tagin ee wuxuu u ahaa wehel siyaasiya. Laakiin afartii sannadood ee uu Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay waxa muuqatay inay xoogay kala durkeen, waxaana jira qodob uu mid waliba dhinaciisa u aaminsanyahay ulana dhacsanyahay.

Dadka u dhuun daloola saaxiibtinimada siyaasadeed ee labadan hoggaamiye waxa ay sheegayaan in labadooda mid kastaa dhinaciisa abaal badan ugu tirsanayo kan kale, Tusaale ahaan Madaxweyne Siilaanyo wuxuu isu arkaa inuu Muuse Biixi u abaal-guday oo uu dhabta u saaray guul siyaasi ah oo ah inuu ku wareejiyay guddoomiyenimada KULMIYE, islamarkaana uu ka soo dhawaystay rag badan oo qayrkii ah oo ay jabhadii SNM wada ahaayeen. Axmed Siilaanyo wuxuu qabaa inay Muuse Biixi waajib ku tahay inuu ka abaalgudo usha KULMIYE ee lagu wareejiyay, xataa iyada oo aan la gaadhin shirweynihii lagu sharciyeyn lahaa. Laakiin Muuse Biixi, ayaa isna loo arkaa nin aaminsan inuu yahay ninka kursiga ku fadhiisiyay Madaxweyne Silaanyo islamarkaana ka doortay rag badan oo beeshiisa ah iyo rag ay siyaasadda iyo jabhadnimadii jaal ku ahaayeen. Wuxuu Muuse Biixi isu arkaa ninkii guusha dhaliyay ama ugu yaraan nin qayb libaax ka qaatay guusha Madaxweyne Siilaanyo gaadhsiisay inuu noqdo hoggaamiyaha qaranka Somaliland. Laakiin waxa ay dooddani odhanaysaa in Muuse Biixi aaminsanyahay inaanu Madaxweyne Siilaanyo u abaalgudin markii uu kursiga ku fadhiistay islamarkaana uu  marka laga tago ku wareejinta KULMIYE aanu u garab istaagin sidii loo baahnaa. Haddii ay tahay loollannada gudaha xisbiga kaga yimi Muuse Biixi iyo haddii ay tahayba talo gelintii iyo soo dhoweyntii uu filayey.

Labadan qodob ee sina isugu dhow sina u kala durugsani waxay sababayaan in ay noqdaan hoggaamiyeyaal kala-maan ah oo midiba kan kale abaal u sheeganayo, xilli uu kan kalana u arkayo in abaalka uu isagu galay ka weyn yahay. Waxaana ka dhashay in midiba mid dibinta u qaniino isaga oo aan waxba afka ka qiran, balse ay shacabku arkayaan afartii sannadood ee u dambeeyay, laakiin is-qoonsigaas labada hoggaamiye toddobaadkan ayuu diiday in uu intaas in  ka badan qarsoonaado.

Maanta iyo labadooda

Marka la eego burka uu Muuse Biixi ka soo baxay, waxa isaga iyo Madaxweynaha u bilaabmaya xifiiltan siyaasadeed oo xisbigiisa gudihiisa ah. Lama saadaalin karo in Madaxweyne Siilaanyo ku deg degi doono dagaal ka dhan ah Muuse Biixi, maadaama oo aanu weli caddayn in uu u taagan yahay murashaxnimada madaxtinimada ee waqtigeedii ina hayo, laakiin waxaa la odorosi karaa inay wasiirada khusuusiga ah ee Madaxweyne Siilaanyo dagaal kulul kala hortagi doonaan Muuse Biixi, taas oo aakhirka suurtogal ka dhigi doonta inay si toos ah isu waajahaan Madaxweynaha iyo Muuse.

Gunaanad

Waxa ay u dhowdahay in Madaxweynaha iyo wasiiradiisu ay qorshaystaan inay Muuse Biixi ku muquuniyaan shirweynaha golaha dhexe xisbiga KULMIYE, oo ay tahay in lagu soo doorto murashaxa xisbiga doorashada madaxtooyada uga qayb galaya, waxase ay u muuqataa in Muuse laftiisu taas ka sii gaashaantay, mar haddii ay sidaas noqotana waxa adkaan doonta in nin kastaa si fudud kaga guulaysto ninka kale ee ka soo horjeeda, taas oo uu macnaheedu yahay inuu nin waliba jid dheer u mari doono qorshaha uu doonayo inuu kaga takhaluuso midka kale. Si kastaba ha ahaate ifaafalaha loollan ee ka dhex curtay Madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga, waxa la arki doonaan wejiyada uu yeesho iyo hadba ninka ay guushu raacdo.