Madaxweyne Siilaanyo Iyo Mucaaradkiisa Oo Maanta Ku Kala Calaf Qaadaya Qaddiyadda Saldhiga Milatari Ee Imaaraadka

0
615

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa horimanaya labada gole baarlamaan ee guurtida iyo wakiilada.

1

Madaxweynaha, ayaa maanta labada gole horgaynaya saldhiga milatari ee Berbera oo, isagoo weydiisan doona inay kalsooni u siiyaan inuu heshiis la galo dawladda Imaaraadka Carabta iyo in kale.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa si adag uga soo horjeeda inay labada gole kalsooni u siiyaan Madaxweyne Siilaanyo inuu dawladda Imaaraadka Carabta la gali karo heshiiska saldhiga milatari. Hase yeeshee Madaxweynaha iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa maanta ku kala calaf qaadaya labada gole, iyadoo uu dhinac waliba maalmihii u dambeeyay waday olole xoog badan oo uu midba midka kale ku wiiqayo awoodiisa.

Geesta kale, murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani ayaa xalay shirjaa’id oo uu qabtay  wuxuu ku sheegay inuu qaddiyadan saldhiga kala mawqifyahay xisbigiisa Waddani oo si adag uga soo horjeestay.