Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddoomiye Cirro Oo Tacsi U Diray Rayale Oo Ay Soddohdii Geeriyootay

0
1382

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha wakiilada ahna hoggaamiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa tacsi u diray madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo ay soddohdii marxuumad Khadiija Yuusuf Yoonis ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo shalay lagu aasay.

Madaxweyne Siilaanyo iyo Cirro, oo soo saaray laba warsaxaafadeed, waxa kale oo ay tacsi taas la mid ah gaadhsiiyeen marwadii hore ee qaranka Huda Barkhad Aadan, iyagoo marxuumadana Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo.