Madaxweyne Siilaanyo Iyo Guddi Ka Socotay Xildhibanada Barlamanka Ee Beesha Habaryonis Oo Xalay Gondaha Is Daray Iyo Doodii Labada Dhinac

0
999

 

GUDDI

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xalay qaabilay 11 xubnood oo isugu jira xildhibaanada guurtida iyo wakiilada ugu jira beesha Habaryoonis, kuwaas oo Madaxweynaha kala hadlay arrimo dhawr ah.

Ma jiro wax war ah oo kulankaas ka soo baxay, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in xildhibaanadan oo isugu jiray lix xubnood oo wakiilada ah iyo shan guurtida ah ay Madaxweynaha u gudbiyeen tabashooyin ay beesha Habaryoonis ka tirsanayso xukuumadiisa.

Doodii Guddiga

Sida uu warku sheegay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee  Beesha Habaryoonis, waxa u hadlay Afar xildhibaan oo kala ah Xildhibaan Ibrahim Dhugad, Xildhibaan Cumar Nuur Waaye, Xildhibaan Axmed Muuse Obsiye (Gacan) iyo Xildhibaan Xuseen Maxamed Cige, kuwaas oo Madaxweynaha u sheegay inaanay jirin mucaaradnimo ay beeshu ku waajahayso xukuumadiisa balse ay jirto tabasho ay beeshu xukuumadda ka tirsanayso. Sida uu warku sheegay waxa ay xubnaha hadlay iska daba mareen dhawr qodob oo kiciyay dareenka beesha oo ay ka mid ahaayeen xil ka qaadistii guddoomiyaha maxkamadda Sare Maxamed Xirsi Oomane oo ay sheegeen inaan lagu bedelin xubin reerka ah islamarkaana boos kale loogu bedelin balse xilkaas loo magacaabay masuul ka soo jeeda beel kale iyo in Madaxweynuhu dhantaalay saddex wasaaradood oo uu Beesha ka siiyay xukuumadiisa kuwaas oo kala ah Wasaaradda kalluumaysiga oo uu ka hoos saaray dekedihii, wasaaradda daakhiliga oo uu ka jaray wasaaradii dib u dejinta iyo wasaaradda xanaanada xoolaha oo uu ka madax banaaneeyay wasaaradii deegaanka iyo horumarinta reer miyiga, waxaana wasaaradahan madax ka ah saddex masuul oo ka soo jeeda beesha Habaryoonis. Waxa kale oo uu warku sheegay inay xubnaha hadlay Madaxweynaha ka codsadeen inuu xilkii guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabo masuul ka soo jeeda beesha Habaryoonis maadaama oo uu guddoomiyihii hore ka soo jeeday si ay u soo noqoto kalsoonidii xukuumadda iyo beeshu. Xubnahani waxa kale oo ay tabasho ka muujiyeen saamiga beeshu ku leedahay hay’adaha dawladda ee gobalka Togdheer, iyagoo si gaar ah u taabtay masuuliyiin la sheegay inay ka soo jeedaan beesha Madaxweynaha oo dhawaan loo magacaabay gobalada bari, kuwaas oo aan sida ay sheegeen laga qayb gelin beesha Habaryoonis.

Madaxweynaha

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la sheegay inuu tabashada Beesha Habaryoonis kaga jawaabay dareen degen, waxaanu u muuqday inuu u soo diyaar garoobay isagoo sitay waraaqo ay ku xardhanyihiin tirada masuuliyiinta uu u magacaabay Beesha Habaryoonis. Wuxuu ku dooday inaanu hay’adaha gobalka Togdheer wax sad bursi ah ka siinin beeshiisa uu ka soo jeedo.

Qodobka ku saabsan guddoomiyaha maxkamadda sare, wuxuu sheegay inuu u magacaabay masuul ka soo jeeda Beel kale oo aanay hadda ka noqosho uga banaanayn, waxaanu sheegay inuu magacaabista masuulkaas saxeexay oo uu xafiiskiisa ka baxay, waxaanu kula taliyay in masuulkaas lala shaqeeyo oo wax lala qabto si uu uga soo baxo hawsha loo xil saaray, taas oo loo dhandhansaday in codka kalsoonida ah la siiyo marka ansixintiisa la horkeeno labada gole Baarlamaan sida uu sharcigu dhigayo.

Sida ay ilahaasi tibaaxeen Madaxweynuhu wuxuu ku dooday in markii uu qorsheeyay xil ka qaadista guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare uu rag ka tirsan beesha Habaryoonis u bandhigay inuu xilkaas u dhiibo balse ay ka cudur daarteen, ka dibna go’aansaday inuu u dhiibo shakhsi sida uu sheegay uu u arkay inuu ka soo bixi karo.

Gunaanad

Xildhibaan ka tirsanaa mudanayaasha golaha guurtida ee ka soo jeeday Beesha galbeedka Burco ee xalay Madaxweynaha la kulmay, ayaa la sheegay inuu Md. Siilaanyo ka codsaday inaanay ka filayn dood iyo inuu ka soo fikiro tabashada Beesha balse ay filayeen inuu u caddeeyo waxyaabaha uu ku xalinayo tabashooyinka ay beeshu ku tirsanayso inaanay saamigeedii helin, laakiin ugu dambayn waxa la isla gartay in la aqbalo codsiga madaxweynaha, lana bilaabo wada shaqayn cusub iyo xidhiidh wanaagsan.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii shirka ka qayb galay oo aanu isku daynay inaanu la xidhiidhno si aanu xaqiiqada warka u helno ayaanay noo suurtogelin.