Madaxweyne Siilaanyo: Hadaladiisii Fogaa Ee Uu Shalay Ka Yidhi Sahaminta Macdanta Iyo Shidaalka Iyo Kuwa Rajada Leh Ee Uu Maanta Ka Yidhi

0
584

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu Axadii doraad daah-furay bilowga sahamainta shidaalka dalka oo ay wasaaradda macdanta muddo dheer ku hawlanayd.

Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo halkaas ka jeediyay khudbad uu ku furayo sahamintan oo uu soo dhaweeyay, waxaanu shacabka reer Somaliland ee gobaladaa sahanku marayo ku nool ka codsaday in soo dhaweeyeen hawlgalkaas, isagoo ammaan kula dul dhacay wasiirka macdanta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale iyo wasaaradda macdantaba.

Khudbadii Madaxweynaha

Madaxweyne Siilaanyo, wuxuu jeediyay khudbad ay dadkii madasha ku sugnaa oo u badnaa shaqaalaha dawladda iyo weftigii la socday u sacabo tumeen, waxaanu yidhi “Milgo iyo maamuus weyn ayay Madaxweyne ahaan ii tahay, in aan idinkala soo qayb galo, xafladdan lagu daah furayo, bilawga sahaminta shidaalka dalka. Mashruucan sahaminta shidaalku, wuxuu si rasmi ah uga bilaabmay Gobolka Saraar iyo Togdheer, wuxuuna u gudbi doonaa Gobollada Daad-madheedh, Maroodi-jeex, Hawd iyo Sanaag.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Anigoo munaasibadan ka faa'iidaysanaya, waxaan jecelahay in aan halkan uga mahad-celiyo, dhammaan bulshada ku dhaqan gobollada hawlgalladu ka socdaan, sida diiran ee ay u soo dhoweeyeen, si gaar ah, waxaan u bogaadinayaa waayeelka iyo waxgaradka, sida hagar la'aanta ah isu barbar taagay barnaamijkan sahaminta shidaalka, ee ka socda deegaannada qaar. Mar labaad, waxaan ku hambalyaynayaa dhammaan hawl-wadeennada Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, ee uu hormoodka u yahay Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, doorkii iyo dedaakii ay ka geysteen hirgelinta mashruucan qiimaha badan oo ka mid ahaa himilooyinkii Xisbiga Kulmiye.”

Shalay

Dad badan oo reer Somaliland ah waxa ay hawlgalada shidaal baadhista iyo khudbadda Madaxweyne Siilaanyo ee Axadii, soo xasuusisay khudbad uu Madaxweynuhu jeediyay waagii uu mucaaradka ahaa oo uu xilka hayay Madaxweyne Rayaale. Madaxweyne Rayaale ayay xukuumadiisii waxay dalka ka bilowgay hawlgalo shidaal iyo macdan baadhis ah, waxaana wakhtigaas saxaafadda la hadlay Alle haw naxariiste wasiirkii macdanta iyo biyaha ee xukumadaas Marxuum Qaasim Sheekh Yuusuf. Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo oo ahaa hoggaamiyihii mucaaradka KULMIYE, ayaa sahankaas ku tilmaamay mid dalka lagu aasayo sunta Nukliyeerka.  Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo sheegay inay dunidu ku kala socoto shuruucda caalamiga ah oo aan Somaliland u ogolaanayn inay sahamin shidaal iyo macdan samayso maadaama oo aan la aqoonsanayn. Wuxuu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigaas yidhi “Waar ma caqli baynaan lahayn, waynu ognahay oo dal aan la ictiraafsanayn cidina macaadiintiisa soo saari mayso, waa been,  macdan la soo saarayaa ma jirto, kuwa saliida kuwii berigii hore la siiyay oo dhan baa meel ugu xidhan, waxan la wada siinayaa waa in qashinka Nukliyeerka ah lagu qubo meelahaa, baloog hebel ayaanu qaadanaynaa, baloog hebel ayaanu qaadanaynaa, waar wax ay soo saareen miyaad aragteen maalin walba qaar baa la baxshaa ayaad maqasheenee. Sun ayaa lagu daadinayaa oo la keenayaa, wax kale oo looga  jeedaa ma jirto.”

Kaaf iyo Kala Dheeri

Khudbada Madaxweyne Siilaanyo ee toddobaadkan iyo khudbadiisii waagaas, ayaa ah kaaf iyo kala dheeri. Inkastoo aan Madaxweyne Siilaanyo marna laga sugayn inuu umadda u sharaxo isbedelka ku dhacay aragtidiisii wakhtigaas, haddana waxay shacab badani u arkaan in kursigu bedelay Madaxweyne Siilaanyo. Waxaanay hadaladiisa kala fogi cashar u noqon karaan siyaasiyiinta kursiga doonaya oo Madaxweyne Siilaanyo ka baran kara inaanay qorshe siyaasadeed oo kasta oo xukuumadi wadato kaga horiman indho isku qabad.