Madaxweyne Obama Oo Ka Dhiidhiyey In Gabow Lagu Sheego, Una Faanay Madax Uu Yaqaanno Oo Uu Sheegay In Ay Cirrada Madoobayso Ku Qariyaan

0
616

Picture13Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama ayaa inta uu hor istaagay arday tiro badan oo uu la hadlayey waxa uu sheegay in aanu timaha marsan madoobayso, sida madaxda qaar uu sheegay in uu magacyadooda garanayo laakiin aanu sheegayn.

Obama mar uu dhowaan magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda dalka Malaysiya kula hadlayey arday, ayaa arday ka mid ahaa oo u dhashay dalka Cambodia, waxa uu ka codsaday in uu talo waayeelnimo ka siiyo nolosha. Isaga oo madaxweynaha ku tilmaamay nin haatan waayeel waqti badan u soo joogay ah, waxaana hadallada Ardaygan ka mid ahaa, “Da’ baa aad tahay, Mar kastana waa aad sii weynaanaysaa, khibrad badanina waa ay kuu sii kordhaysaa” Obama ayaa intii aanu abbaarin dalabkii ardaygan ee talo siinta ahaa waxa uu ka horreysiiyey ereyo kaftan ah oo uu kaga jawaabayo ereygaas aaraarta ardayga ku jiray ee uu gabowga ku sheegay, waxa aanu yidhi, “Marka koowaad dhalinyarooy waxa aan idinka codsanayaa in aad joojisaan inaad igu sheegtaan gabow iyo qof weyn. Shucuurtayda ayaa aad dhaawacaysaan”

Obama oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Markii aan xilka madaxweynaha qabtay, madaxaygu tin cad ma’ uu lahayn, imikana cirro badan ayaa igu dhigtay. Anigu timaha ma madoobeeyo, laakiin qaar badan oo ka mid ah madaxda aanu jaalka nahay ayaa iyagu madoobeeya. Ma idiin sheegayo kuwaasi kuwa ay yihiin, laakiin timo-jarayaasha u xiira ee madaxa u hagaajiya ayaa garanaya”

Madaxweyne Obama markii uu xilka qabtay sannadkii 2009kii, madaxiisu waa uu madoobaa oo cirro yari kama ay muuqan, xitaa madowga xad dhaafka ah ee madaxiisa ayaaba muran dhalin jiray mararka qaarkood, laakiin muddo yar markii uu xilka hayey ayaa uu madaxa Obama isu beddelay Cirro taas oo ay dadka qaar ku dacaayadeeyeen in uu marka horeba madoobayn jiray.

Midabka timaha madaxda iyo siyaasiyiinta waaweyn ee dunida ayaa marar badan noqda sheeko maadays ah oo ay warbaahintu qaadaa dhigto. Tusaale ahaan, mid ka mid ah sirihii lala aasay madaxweynihii geeriyooday ee Maraykanka Ronald Reagan ayaa ah jawaabta muranka ka taagnaa in uu madoobeeyo timihiisa sida dhuxusha u madoobaa iyo in ay tahay arrin dhalan ah, arrintan murankeeda waxaa sabab u ahaa madaxweyne Reagan oo mar kasta oo la weydiiyo beenin jiray in uu wax is-beddel ah ku sameeyo midabka dabiiciga ah ee timihiisa. Sidoo kale tima-jarihii ka shaqayn jiray madaxa madaxweyne Reagan oo marar badan laga waraystay arrintan ayaan wax sir ah oo la xidhiidha laga helin.

Raysalwasaarihii hore ee Jarmalka Gerhard Schoroder oo ka mid ah madaxda dunida ee inta badan laga murmay midabka timihiisa ayaa isna isna intii uu xilka hayey waxa uu dacwad maxkamadeed ku soo oogay wakaaladda wararka ee Jarmalka oo sheegtay in uu timaha marsado midabbayso Bunni hurda. (Duggoon).

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in madaxda dalka China da’ kasta oo ay yihiin haddana aan abid la arkin iyaga oo madaxoodu cirro leeyahay ama madowgu ka tegey