Madaxweyne Muuse Oo Ka Hadlay Xaaladda Dalka, Xiisadii Tuka-raq Iyo Arrimo Kale Oo Muhiim Ah

Published on Jan 21 2018 // Warar

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horaysay shalay saxaafadda Somaliland u qabtay shirjaraaid oo uu kaga hadlay arrimo door ah.

Saxaafadda ayaa waxa ay madaxweyne Biixi weydiisay su’aalo ku saabsan xaaladda dalka, kuwaas oo uu madaxweynuhu ka jawaabay. Madaxweyne Biixi arrimaha uu ka hadlay waxa ugu mihiimsanaa sicir bararka, xiisadii Tuka-raq, hadal aan toos ahayn oo uu la yeeshay Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo arrimo kale. Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa saxaafadeed ku bilaabay sidan

Siyaasada iyo hoggaamintiisa

Saddex xisbi qaran baa jira oo jooga oo dalka siyaasaddiisa ka masuul ah, laba waa mucaarid, midna waa muxaafid oo aniga ayaa ka wakiil ah, xilkuna waxa uu saaran yahay xisbul-xaakimka inuu xisbiyada mucaaridka ah ula dhaqmo si ixtiraam iyo karaamo leh, qaybta uu sharcigu ka siiyey inay dalka taladiisa siyaasadeed wax ku lahaadaanna ay qaataan, aniguna taas diyaar baan u ahay, waanu is aragnay oo waanu wada-shaqaynay, walow xisbiga WADDANI xidhiidhkayagu aanu aad u furfurnayn, haddana mar waanu is aragnay oo si wacan baanu ku kala tagnay, in aanu isu soo noqono oo wada shaqaynona waanu ku heshiinay, diyaarna waanu u nahay, xisbiga UCID-na wada-shaqayn wacan baa naga dhaxaysa, waxana aanu oggolahay tusaalahooda, dhaliishooda iyo inay gutaan xilkooda mucaarid  oo aanu la shaqayno.

Maalintii la I dhaariyey waxa is-beddelay oo dhammaaday ololihii siyaasadda ee lagu tartamayey, waxaana la ii dhaariyey in aan dalka oo dhan madaxweyne u ahay oo xisbigii isoo saaray, kii I doortay iyo kii aan I dooranba aan u simanahay, waana waxa aynu ku dhisanahay oo Dimuqraaddiyadda iyo dawladnimada nuxurkeedu waa intaas, masuuliyaddaasina aniga ayey I saaran tahay oo waan fulinayaa, Bani’aadam-na waan ahaye haddii aan gefo toosin baa la igu leeyahay.

Dadka aan sharcigu siinin inay axsaab noqdaan ama af umadeed ay ku hadlaan in aanay siyaasadda ka abuurin wax aan jirin, mujtamaceenuna wuu badan yahay oo dad badan baa hoggaaminta dadka qayb ka qaata oo culimada, ganacsatada, madax-dhaqameedka iyo bulshada rayidka ahiba cod weyn bay ku leeyihiin, intabana waanu oggolnahay oo marka aynu is-kaashanayno ee aynu wax ku dhisanayno waanu ogolnahay oo xisbiyada ayaa lagu soo ururiyaa oo kolba xisbigii talada haya ayaa lagu soo ururiyaa, qof kasta oo muddakar ah oo hadlaya, da’ ahaan cilmi ahaan iyo aqoon ahaanba ama xilkuu doonayo ha hayee marka uu hadlayo hadalkiisa umadda uun baa qiimaynaysee waxaan soo jeedinayaa waxa aynu warbaahinta isu marinayno ee dad waayeel ah oo nabad iyo midnimo inay horseedaan laga filayey ku hadlayaan aakhiradooda, aduunkooda iyo mujtamaha midna uma wanaagsana, xisbiga iyo xukuumadda midna kagama wakiil aha’e waa inay wanaajiyaan waxa ay umadda dhexdeeda u gudbinayaan, hadalka aynu ku hadlaynaa waa inuu mid qaranka u dan ah ahaadaa, haddii la is dhaliilayona waa inuu ahaadaa mid aan milgaha ka baxsanayn, wixii fidmo iyo tafaraaruq ahna waanu kasoo hor jeednaa, xil baana naga saaran in aanu ummadda ka ilaalino dadka fidmada wada.

Sicir-bararka

Sicir-bararku waa aafo qaran, waana dhibaato inoo taalla, waanu ku jirnaa hawsheeduna way nala taf dheeraatay, laakiin waxaan filayaa in laba saddexda cisho ee soo socda inay inooga soo bixi doonto wixii lagu daaweyn lahaa, kama aanu seexan oo waynagu cuslaatay, waxaana aynu u baahanahy qorshe aan soo noqnoqonin oo aan laab la-kac lahayn, laga bogtay, cidda ay khusayso oo dhammi ka wada-hadashay, ciddii aqoon la bidayona lagala hadlay oo iyada oo lagu heshiis yahay qaran ahaan aynu hawshaas waajahno.

Dagaalka Tukaraq

Dhibaataa inaga (Somaliland) iyo Soomaaliya inoo dhaxaysa, laakiin inagu dhibaatadaas eed kuma lihin, Soomaaliyana waxa ay caalamka ugu baaqday oo ay adduunka oo dhan gaadhsiisay inay Somaliland kusoo duushay, caalamkana waxaanu u sheegaynaa in ciidanka Somaliland ka guuray goob Somaliland kamid ah, Gambadho, ayuu ka dhaqaaqay, Tuka-raq buuna tegay, labadubana waa Somaliland, ciidanka Somaliland iyo dawladda Somaliland,  Shacabka Somaliland cidka ka magansan maayaan dhulkooda, haddii ay wax ka qabsanayaan iyo haddii ay meel ka degayaanba waa Somaliland, caalamka waxaanu leenahay kumaanaan xad-gudbin Soomaaliya, xuduudkii 1887 la sameeyey ee dawladihii isticmaarka ahaa sameeyeen ee Afrika oo dhammi ku dhaqanto ee u dhexeeya kamaanaan xad-gudbin, kamana gudbayno, umana jeedno in aanu maanta colaad cid la galno, iyagana u dan ma aha, anagana noo dan ma aha.

Caalamka iyo Soomaalilya-ba waxaanu u sheegaynaa annagu dagaal diyaar uma nihin oo dalkayaga ayaanu joognaa, waliba halka aanu imika joogno oo ah Tuka-raq 70KM, ayuu xuduudkayagu u jiraa, Distoorka Somaliland waxa uu qorayaa inay xukuumaddu soo sugto xuduudaha Somaliland, xilkii la ii dhaariyey bay kamid tahay, distoorkaa i faraya, Baarlamaanka iyo shicibweynahaa igu daba jooga, waana in xuduuddii la tagaa, waxaana aanu doonaynaa in aanu xuduudayada ku tagno nabadgelyo, Soomaaliya-na garan mayno abaabulka ka socda  ee qabaliga ka socda iyo ciidamada lasoo dhoobay, wax Alle iyo wax maanta dagaalkaas loo abaabulayo garan mayno.

Haddii macnuhu yahay in nimanka Muqdisho joogaa ay leeyihiin anagaa Muqdisho ah oo Somaliland ma jirtee  waa gobollo Soomaaliya kamid ah, walaalow hortaa jire ba waa, taasina mid kuu suurtoobaysa ma aha, wanaagna ka iman maayee, haddii ay taasi kaa fikir tahay oo ay kaa go’an tahay inaad soo duusho oo aad tidhaahdo Somaliland baan xoog ku muquuninayaa, wixii Alle ka dhigo ayey noqonaysaaye difaac baanu diyaar u nahay oo Somaliland iyada oo isku dhan oo isku duuban bay dalkeeda difaacaysaa, waxaana noo ogol xeerka caalamiga ah, waxa noo ogol ka Afrika ka dhexeeya, waxa  noo oggol Ilaahii nagu abuuray halkan ee isaga mooyaane aannaan cid kale ka magan sanaynin.

Codsi uu dalalka jaarka madaxweynuu hordhigay

Laba safar oo aan dhawaan ku tegay labada dal ee jaarka ah, labadaba wada-hadal wanaagsan baa na dhexmaray, waxaana aanu ku nidhi Somaliland waxa ay u baahan tahay in garteeda la horgeeyo EGAD iyo AU-da, idinkaana jaar ah oo noo xog-ogaal ahe gartayada hana loo qaado, Somaliland sidan ah anaa ku xukuma iyo ima xukuntidu waxa ay keenaysaa cawaaqib xumo, Somailand waxa ay tirsanaysaa 31-kii sano ee hore oo midnimadii ah dhibaatadii gaadhay baa ka weyn tii gaadhay 26-kii sano ee dambe, Somaliland in lagu abaalmariyo dimuqraadiyadda iyo nabadgelyada’e uma baahna in lagu ammaano.

Warbaahinta iyo madaxweynaha

Saxaafada iyo anagu isku shaqo ayaanu nahay, siyaasada iyo hogaaminta dalku socon mayso saxaafad ahaan xil weyn ayaad haysaan oo awood afaraad ayaad noqoteen, labadeenaba masuuliyad ayaa ina saaran, is ixtiraam ayaa inaga dhaxeeya, intaasba diyaar ayaanu u nahay, waxii madmadaw ah ee dhexdeena soo galana inaan isaga nimaadno oo aynu saxno, waanu idin ixtiraamaynaa waanan idin xaqdhawraynaa idinkoo waliba dhaqaala yar, dhankaas markaad eegto waxaad tihiin mutadawiciin.

midbaad doonaysaan oo aynu isku afgaran waynaa idinku waxaad doonaysaan waxa halkaygan ku jira ( Laabtiisa ) iyo warkaan hayo inaan idin siiyo aniguna waxaan u arkayaa inaad midna xaq iigu leedihiin midna aydaan iigu lahayn, qoyska wax u gaar ah ayaa jira, jaarku inuu faro galiyo maaha, shirkadu xaq ayay u leedahay inay sirteeda ilaashato hadii kale tartami karimayso, qaran dhan waxiisii oo saxaafada ayaala shaqayn kari maayo caalamka oo dhan ayaa og, warku waxa uu leeyahay intaas oo qaybood, warka wax yeelaya danta qaranka guud ee dalka wax yeelaya adigu hadii aad hesho inaad qariso weeye, anigana waajibku waxa uu ifarayaa inaan sirta qaranka hayo, waynu ka simanahay oo kaama dal jecli, labadeenuba dalkeena waxii dhibaaya waa in aynu ka ilaalinaa, inaynu taas isla garano uun weeye, ta labaad waa wakhtiga qof walibana wakhtiga alle siiyay isaga ayaa u xor ah, xaq iiguma lihid inaad aniga ayaa kula hadlayee ila hadal aad i tidhaahdid, waa in laga wada tashadaa.

Su’aalo iyo jawaabo

Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah su’aalihii ay saxaafadu weydiisay Madaxweyne Biixi iyo jawaabihii uu ka bixiyay oo ah sidan:

Arinta taagan hadda waa Tukaraq wayna dhici jirtay Somaliland iyo Puntland in badan ayay qoryo isku soo qaateen laakiin marka ay meel gaadho madaxweynayaasha ayaa wada hadli jiray, waana la joojin jiray coladaa talaabadaas ma qaaday oo Cabdiwali ma la xidhiidhay?

Waxa in badan noo kala dab qaaday haayado badan iyo safiiro badan oo isagana la hadlay anigana ila hadlay, anigu waxaan taaganahay Cabdiwali maxuu ka rabaa Tukaraq, anigu xadkii Somaliland ayaa taaganahay oo 70-Km ii hadhsan yihiin, isna waxa uu taagan yahay maxaa Tukaraq loo yimid qolada na dhex-dhexaadisay way fahmi kari waayeen waxa aanu isku haysano waayo anigu kama hadlo Tukaraq ee xadkii ayaan ka hadlayaa, markaas sabab aanu u wada hadli karnaaba ma taalo in badan ayaa naloo kala dab qaaday oo qolo waliba ila soo hadashay, waxa ugu danbeeyay haayada Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa uu laba goor la soo hadlay, waxa weeye in uu horta ogolaado xadka Somaliland oo uu isagu ku jiro 70-km ay ii hadhay isana waxa uu taagan yahay Tukaraq waa Puntland,meel aanu ka wada hadalno ma joogno.

Madaxweynaha Somaliya ayaa la sheegay inaad khadka telfoonka aad ka wada-hadasheen bal taasna dadka u bayaami?

Tilifoonka waa naloo kala dab qaaday, anagu maanu wada hadlin ee waxa weeye hebel waxaas ayuu leeyahay iyo anigu waxaas ayaan leeyahay, dadku waxay wada-hadalaan marka ay ku heshiiyaan nuxurka laga wada-hadlaayo nimanka Muqdisho joogaa ma aqoonsana inay Somaliland tahay qaran jira  oo xadkii gumaysta leh, aniguna waxaan u arkaa nin dalkiisa gudihiisa lagu farogalinaayo oo la leeyahay ha dhaqaaqin, qolada ajanabiga ahina waxay mar walba istaagayaan Somaliya sharcigu midbuu ka dhigayaa midkii waanagii burburinay ee diidnay qaran kalaanu dhisnay, wali waa uu jiraa dabqaadkii, isana waxa uu sheegay aniguna aan labada qoloba u sheegay Micheal Keating aan u balan qaaday in aanu wada-hadalno oo nala dhexdhexaadiyo oo qadiyada Somaliland iyo Somaliya ka dhaxaysa laga wada hadlo qodobkaas isagana waa laga keenay aniguna diyaar ayaan u ahay, Somaliland wada hadal ayay xal ku doonaysaa kaas ayaanu taaganay cidna ku duulimayno, ninkii na soo weerarana waxii alle ka calfaabay noqon doontaa.

Xukuumadii madaxweyne Siilaanyo waxay heshiis kula gashay Imaaraadka saldhig milatari wararka soo baxayaa waxay sheegayaan in aad ka noqonaysaan heshiiskaas, maxaa ka jira?

Waa sharci, kamaanaan bixin, awooda ka bixidna ma lihin labada aqal ee Somaliland ayaa saddex meeloodow meel ku ansixiyay,madaxweyne kama bixi karo, haddii laga baxaayo baarlamaankii ayaa lagu noqonayaa, mid ayaanuse leenahay baarlamaanku waxa uu ansixiyay qodobo waaweyn heshiis faahfaahsan lama gaadhin anagu Carabta waxaanu ka rabnaa tiirarkaas baarlamaanku uu ansixiyay aynu furfurno, waa intaas taasna xaq ayaynu u leenahay, markaaas waxaanu ku jirnaa furfuritaankii, tusaale ahaan wado ayaa la dhisayaa waa wado intee leeg, tiirarkii ayaanu doonaynaa inaanu dib u fasirno oo aanu heshiis ka galno dabcan nin waliba dan ayuu leeyahay, waa lays riixayaa waana hawlqaran oo daah furnaan ayay yeelanaysaa.

 

Leave a comment

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!