Madaxweyne Muuse Oo Ka Hadlay Shirka Beelaha Garxajis Iyo Go’aanada La Filayo Inay Ka Soo Baxaan

0
971

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shirka beelaha Garxajis ay ku qabsanayso buurta Gacan-libaax ku tilmaamay mid ay ka soo bixi doonaan go’aamo qaranka Somaliland wanaag u horseeda, waxaanu ammaanay odayaasha iyo siyaasiyiinta beeshaas.

Madaxweyene Muuse waxa sheegay kowda bishan fooda inagu soo haysa ee todobaad in loo bixi doono nabadaynta Ceel-afweyn, waxaanu arimahan ka sheegay xuska 26 June oo habeen hore lagu qabtay madaxtooyada, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “Waxa aan idiin sheegayaa shirka ka socda Gacan-libaax, waxa  aan ummadda u sheegayaa inuu kusoo gebo-geboobi doono dhawaan insha Allah waxa ay Somaliland ku faraxdo, waxan idiin sheegayaa anigu shirkaas ma joogo, ajandihiisana kama aan qayb-gelin, laakiin kor waayeel waa indho’e ummadda halkaas (shirka) isugu tagtay Somaliland cidina ugama lexejeclo badan, cidina ugama halgan badnayn, cidina mustaqbalkooda kama jecla, sidaas darteed waxan ogahay inay kasoo bixi doonaan Somaliland wax ay ku faraxdo oo ah midnimada Somaliland iyo qarannimada Somaliland waa muqaddas, dawladda hala wada lahaado, wixii lagu kala cabanayona hallaga wada hadlo, kuna abshira, wax belaayo iyo colaad ah oo kasoo baxaysaana ma jirto.”

Madaxweynaha oo ka hadlaayay nabadaynta Ceel-afweyn waxa uu yidhi “shirka labaad ee ina sugayaa waa ka Ceel-afweyn, waxa loo amba bixi doonaa bisha toddobaad (July) kowdeeda, Somaliland oo dhan baa tegaysa, insha Allahna muddo kooban marka la fadhiyo waxa kasoo bixi doonta dadkii is dilay oo walaalooba, khilaafka dhexdooda ah oo aynu xallino oo aynu kusoo midowno, waayo 27-kaa sanadood dhibaatooyin, dagaallo iyo khilaafyo ka waaweyn baa ina soo maray, dhammaantoodna sidaas baynu ku xallinay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here