“Madaxweyne, Mindida Daabkeeda Adigaa Maanta Haya Ee Shuruucda Ilaali”

3
8638

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Saalax Cige,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa ka hadlay dib u Dhaca Doorashada,muddo kordhinta la filayo in loo sameeyo Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka.

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Doorashada Barlamaanka iyo Deegaanka wakhti baa loo asteeyey waxay ahayd in lagu qabto wakhtigaas loo asteeyey,waxay kale oo ay ahayd in laga sii diyaar-garoowo wax kasta oo dib u dhaca Doorashada keenaya,haddii at noqoto diiwaangelin,haddii ay noqoto kharashka lagu qabanayo iyo haddii ay noqoto saami-qaybsiga,laakiin intaas midna looma dhaqaaqin,imikana waxaan leeyahay is afgarad ha la gaadho,oo arrimaha Komishanka ha laga heshiiyo,oo wax kasta oo Doorashooyinka dib u dhigi Kara mar kale ha laga sii diyaar-garoowo”.

Xildhibaan Maxamed Saalax mar uu ka hadlaayey Guurtida ayaa yidhi “Haddii aynu nahay Barlamaanka macnaheedu maaha in aanu sii jeclaysanayno in aanu sii joogno oo kolba muddo kordhin naloo sameeyo,kuraas Qaran oo umadda u dhexeeysa ayaan ku fadhinaa,haddii maanta Barlamaan la doorto waan u ka tagaynaa,sidaas darteed Guurtida waxaan leeyahay dantiina iyo dantayada ha eegina ee danta umadda eega,muddo kordhin macquulana sameeya”.

Xildhibaan Maxamed Saalax Cige mar uu Madaxweynaha talooyin u soo jeedinayey ayaa yidhi “Madaxweyne waxaad Golahayaga u soo gudbisay in Doorashada sidii hore lagu galo,wailba waxaad tidhi Kooto cid gaara ha loo xidho ,iyada oo aan Dastuurku dhigayn,waxaad kale oo aad meesha ka saartay arinka saami-qaybsiga oo muddo dheer tagnaa,taas oo walba Maxkamaddu go’aamisay in Doorashada ugu soo horeeysay ee Wakiilada lagu galo saami-qaybsi,Doorashadayadii kadib,ilaa hadda looma dhaqaaqin,waxaana muuqata in aan la rabin in Doorasho dhacdo,ee Madaxweyne mindida daabkeeda adigaa maanta haya ee Shuruucda ilaali,waxaad awood u leedahayna ha ka warwareegin,sababtoo ah fulinta saami-qaybsiga adiga ayey ka go’daa,Xisbiyada Mucaaradku haddii ay ka soo taagan yihiin Komishanka,adigaa kala diri Kara,balse Kooto aan sharci ahayn Doorashada kuma soo dari kartid ilaa Dastuurka la furo mooye”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here