Madaxweyne Madaxaaga Ma Taaban Karaa?! Qiso Xiiise badan oo muujinaysa raadka midab- takoorku kaga tago qalbiga… Kamaal A. Cali

0
577

1Washington (Geeska)- Guriga Cad ee Maraykanka looga taliye, qaybtiisa lagu magacaabo Waaxda Galbeed ‘West Wing’ waxa aad ku arkaysaa sawirka weyn oo gidaarka lagu dhejiyey, waa madaxweyne Barak Obama oo aad u soo foorarsaday sida ruux rukuucaya, hortiisana uu taagan yahay Jacob Philadelphia oo ah wiil yar oo 5 sano jir ah oo si fiican u soo labbistay. Marka laga tago foorarka madaxweynaha ee aadka ah waxa markaba ay indhahaagu ku dhacayaan wiilkan yar oo gacantiisa kor u soo kala bixiyey oo taabanaya timaha Madaxweynaha. Markaba waxa aad is weydiinaysaa waxa uu yahay wiilkan yar ee sida aadka u quruxda badan loogu soo labbisay? Maxay tahay sababta uu ku yimid aqalka Cad, gaar ahaan xafiiska madaxweyne Barak Obama oo xitaa madaxda qaar aan lagu soo dhoweyn? Maxaa madaxweynaha ku kallifay in uu illaa xadkaas hoos ugu soo foorarsado? Waa maxay se’ sababta uu wiilkan yari madaxa madaxweyne Barak Obama u taabanayo? Saddexda ruux ee kale ee ka muuqda sawirku waa ‘ayo? Maxayse qudhoodu halkan u joogaan? Maxaa xidhiidh ah ee ka dhexeeya ninka, gabadha iyo wiilka yar ee qudhiisuna labbisan ee sawirka ka muuqda iyo wiilkan isu kala bixiyey in uu madaxweynaha madaxa u salaaxo? Waa maxay xidhiidhka ka dhexeeya madaxweyne Obama iyo dadkan sawirka ku jira?

Su’aalahan iyo qisada xeesha dheer ee ka dambaysa sawirkanba waxa aynu kaga boganaynaa warbixintan uu wargeyska Washington Post ka qoray oo aan soo akhriyey kadibna sidan ku soo koobay aniga oo ku kabaya warbixinno kale oo warbaahinta maraykankuna isla arrintan ka qortay.

Muddo Tobannaan sano ah, Guriga Cad ee Maraykanka, gidaar ku yaalla waaxda West Wing, waxaa lagu dhejiyaa sawirrada madaxweynaha oo shaqo ku jira, ama mararka qaarkood ciyaar iyo nasasho ku jira, laakiin sawirku kuma raago oo mid kastaa marka uu maalmo ku dheggenaado gidaarkan waxaa ka daba yimaadda sawirro ka dambeeyey oo laga soo qaaday madaxweynaha oo meesha ka riixa kuwii hore. Taas oo macnaheedu yahay in muddo marka ay sawirradu ku dhejisnaadaan gidaarkan laga fujiyo si kuwo cusub oo dambe loogu dhejiyo. Waa dabeecad caan ka ah Guriga Cad oo cid kasta oo timaadda ama joogtaa ay hadba gidaarkan kala socoto sawirradii u dambeeyey ee madaxweynaha iyo hawlmaalmeedkiisa.

Laakiin cidda saddexdii sano ee u dambeeyey la socota sawirrada gidaarkan West Wing ku dheggeni waxa ay ku arkaysay hal sawir oo isagu mar kasta ka soo hadha sawirrada kale ee gidaarka kula dhejisan ee la beddelo.

Sawirkaas saddexda sano xejisanayey booska uu gidaarkan ku yeeshay waxaa ka muuqda, Mudane Obama oo sida ruux rukuucay u soo foorarsaday wiil si xarrago badan u labbisan. Waa wiil yar oo madow ah, oo si geesinnimo iyo kalsooni ka muuqato inta uu u taagan yahay xafiiska madaxweynaha ee Oval Office ka loo yaqaanno gaar ahaan miiska madaxweynaha hortiisa, gacanta kor u kala bixiyey oo madaxa madaxweynaha taabanaya.

Sawirkani waxa uu soo jiitay dareenka dad badan oo guriga Cad soo booqday iyo xitaa shaqaalaha iyo gacanyarayaasha guriga cad ka hawgala, xiisaha loo qabaana waa sababta keentay in uu muddadaas dheer gidaarkan ku sii deggenaado.

Ugu horreynba aynu ka jawaabno su’aasha ugu xiisaha badan ee ka dhalanaysa sababta uu wiilkan yari madaxa madaxweynaha u taabanayo? Jacob Philadelphia oo sida aynu soo sheegnay ah Shan jir madow ahi waxa uu hubinayaa bal hadda in madaxweynuhu uu sidiisa oo kale leeyahay timo kuwa Afrikaanka ah. . La soco…