Madaxweyne Ku-Xigeenkii Hore Oo Ka Hadlay Dhaliilaha Uu Ku Arko Heshiiska Dekedda, Aragtidiisa Ganacsade Boore Iyo Qodob Xisbiga Helaa Uu Ku Kasbanayo Guusha Doorashada

Published on Jun 05 2016 // Warar

Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Muddane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlay heshiiska Dekadda Berbera ee Xukuumadda Somaliland ay la soo gashay Dawladda Imaraadka, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Dekadda Berbera la maalgaliyo, balse waxa uu tilmaamay in heshiiskan ay ku jiraan qodobo badan oo Somaliland aan dan u ahayn, loona baahan yahay in dib loogu noqdo.

1

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Muddane Axmed Yuusuf Yaasiin, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa Saddexda Xisbi ee doorashada iyo safarka uu Madaxweynaha Turkigu ku tagay dalka Soomaaliya.

Ugu horreyn Mudane Yaasiin oo ka hadlaya aragtidiisa heshiiska dekedda Berbera waxa uu yidhi, "Dekadda weyn ee Berbera waa dhuuntii Somaliland, waa halka wax laga siiyo ee laga biiliyo Ciidamada iyo Shaqaalaha Somaliland, waxaana filayaa inay tahay halka aynu dheernahay Soomaaliya, oo maanta Ciidankoodii, Shaqalahoodii iyo Barlamaankoodiba mushahar siin kari la'. marka maalgashi waa la ogol yahay laakiin waa inuu ahaadaa maalgashi micno soo kordhinayaa, oo aan waxba inaga dhamaynin”

Mudane Yaasiin, oo hadalkiisa sii wataa waxa uu sharraxay maalgashiga, “Maalgashigu waa laba nooc, oo mid waa maalgashi laga bilaabayo meel cidlo ah. Markaa (Marka uu sidan yahay) Qolada timaada ee maalgashaynaysaa saamiga ugu badan ayaa ay yeelan kartaa. Marna waa meel shaqeeynaysa oo shaqadii ku jirta, oo dhisan oo u baahan uun in la ballaadhiyo, markaas Dekaddeenu waa mid u baahan hagaajin iyo ballaadhin. Markaasna (Marka ay tahay meel sii shaqaynaysay) saamiga (shares-ka), la kala qaadanayo waa inay kala noqdaan boqolkiiba kow iyo konton (51%) iyo boqolkiiba sagaal iyo afartan (49%), sababta oo Dekaddu meel cusub maaha, ee waa Dekadda shaqeeynaysa oo halkaas shaqadii laga sii anba qaadayo”

Dhinaca kale waxa uu madaxweyne ku xigeenka hore ka hadlay dhaliilaha kale ee uu ku arkayo heshiiskan oo uu yidhi, “Heshiiskan kuma qorna wakhtiga la bilaabayo iyo wakhtiga ay dhammanayso iyo wakhtiga la shaqaynayo, heshiiska labaad wakhtiga uu bilaabmayo iyo waliba heshiiska saddexaad wakhtiga uu dhammaanayo, waxaas oo dhami meesha wey ka maqan yihiin, maalintii u dambeeysay ee Khamiistii Sacad iyo ciidankii la socday waa lagala hadlay Shir ay soo qaban-qaabisay Akadamiyada Nabada oo ka dhacay Mansoor, waxaana la sheegay dhaliilo fara badan oo uu leeyahay Heshiisku, waxaanu heshiiskani ahaa qabyo, waxaana filayaa inay ku dhamaystiri doonaan talooyinkii badnaa ee la siiyey ee ahayd inay wax ka qabtaan oo ay ka mid yihiin taas saamiga (Shareska), ta boodhka oo shan ay iyagu leeyihin labana xaggan la siiyey, oo loo arkay cadaalad daro, iyadoo laga misaan qaatay marka 65%, ay qaateen, waxa uu wax walba ku qaadanaya shareskaas uu qaatay, balse haddii uu shareskaasi noqon lahaa 49% iyo 51% waa la isku soo dhawaan lahaa, maalgashi lama diidan ee waxa la diidan yahay farqiga weyn ee u dhexeeya".

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey heshiiskani samaynta uu ku yeelan karo ganacsiga xorta ah, waxa uu yidhi "Ganacsigeennu waa xor, in cid gaar ah loo xidhana ma fiicna, baddeenu waa 800-km, cid hadhaw imanaysa ee maalgashanaysa in laga xidho ma haboona, waana qodobka ugu adag, ee aan si  cad loo qeexayn, meel shidaal laga soo saarayo, cid waa loo xidhi karaa, laakiin meesha shaqaynaysa ee lagu tartamayo in cid gaar ah loo xidho ma haboona, Somaliland-na waa inay xisaabtantaa, maxa yeelay Bariga Dhexe arinkoodu waa gabagabo, xagga loo soo jeeda waa Afrika, markaas in qolada Barriga Dhexe qalinka inagu xadaan maaha, ha yimadaan laakiin waa in loo diyaariya Looyarro caalamiya oo arintan ku xeel dheer, maxa yeelay heshiiskani waa muddo dheer oo soddon sanno ah iyo toban sanno oo sii daba yaala, marka waa in la iska habeeya oo meel walba oo daloosha la iska gufeeya".

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar uu ka hadlaayey Ganacsade  Cabdiraxmaan Boore oo doodo badani ka dhasheen sawirradiisa oo lagu dhex arkay waftigii Somaliland ee Imaaraadka u tegey saxeexidda heshiiskan waxa uu yidhi, "Cabdiraxmaan Boore waa nin ganacsade ah, Wadankiisii ha isa seegaan, balse ganacsi buu ku leeyahay meel walba, Ganacsiguna waa xor oo ninku meesha uu doono ayuu ka ganacsanayaa, Ganacsiguna xad ma leha, oo imikaba ganacsatadeenna qaar baa ka soo dajiya ganacsigooda Bosaaso, markaas ganacsaduhu shilin buu eryayanayaa ee Siyaasadeena awood kuma laha"

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa mar aanu wax ka weydiinay inuu Saddexda Xisbi mid ku biirayo iyo in kale ayaa ku jawaabay "Imika Saddex Xisbi baa tartamayaa, markaas annagu haddii aanu nahay madaxdii hore, imikana waxaan ka mid ahay Golaha Guurtida, dhex baan u ahay Saddexda Xisbi,  dhexna waan u noqonayaa, waxaana filayaa inay Doorashadu haddii ALLE idmo si fiican inoogu dhacdo, Saddexda Xisbi midna kuma calaamadsani, waxaan ahay gows dambaykii Qaranka, qofku haddii uu nool yahay damac waa uu yeelan karaa, balse damaca waxa ka horeeya qadarka ILLAAHAY, waxa aan rajaynayaa inay inoo dhacdo Doorasho habaysan oo buuq iyo qas midna aan ina galin" Waxa aanu intaas ku sii daray, "Madaxweynaha ka soo baxaya saddexda xisbi waxay ku xidhan tahay gacanta shacabka, Xisbiga ay u xuubsiibtaan Shacabku ayaa Doorashada helaya, dhanka kale waxa isa saaran laba Doorasho oo ah Doorashadii Madaxweynaha iyo Doorashadii Barlamaanka ah, waxa aanan qabaa in xisbiga doorta 82 xubnood oo mudakar ah oo dadkoodu wataan ay majaraha madaxweynaha ku yeelanayaan door muhiim ah".

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland ayaa wuxuu ka hadlay safarkii uu Madaxweynaha Turkigu ku tagay Soomaaliya, waxaanu sheegay in aanu ka xumayn, balse uu Turkigu u janjeedho dhinaca Soomaaliya, sidaa awgeed aanu wada hadallada dhex ka noqon karin, haddii aanu ku koobnaanayn in uu gogsha uun fidiyo, waxa aanu tilmaamay in wada hadalada looga baahan yahay in dhammaan shanti Soomaalida iyo Waddamadii guumaystay ay qeyb ka ahaadan.

 

comment closed

Subscribe to our RSS Feed! Follow us on Facebook! Follow us on Twitter! Visit our LinkedIn Profile!