Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Oo Ka Hadlay Isfahamka Dhex Maray Djibouti Iyo Ereteriya Iyo Mustaqbalka Xidhiidhka Labada Wadan

12
102

Riyaad(Geeska/W.Wararka)-Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, ayaa sheegay in Djibouti iyo Ereteriya gaadheen isfaham guud oo lagu dejinayo xaaladii adkayd ee labada wadan u dhaxaysay mudada dheer.

Madaxweyne Geele oo u waramay wargeyska Al Sharqal aawsat ee dalka Sucuudiga, wuxuu sheegay inuu isfahamka labadan wadan ka shaqeeyay boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis, oo uu sheegay inuu sidoo kale sabab u ahaa heshiiska Itoobiya iyo Ereteriya, “Waanu soo dhawaynaynaa heshiiska oo bilow u noqonaya aasaaska isfaham iyo nabad waarta oo labada wadan ka dhex dhalata oo boggii colaadaha ee labada wadan bedela. Waanu taageersanahay waanan bogaadinaynaa bilowga uu sameeyay boqor Salmaan Bin Cabdilcasiis.” ayuu yidhi, madaxweyne Geele, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaanu sidoo kale qirsanahay in dedaalkan deeqsinimada leh ee  Sucuudi Carabiya aanu ahayn oo keliya balanqaad uu ku caawinayo nabadda iyo degenaanshaha Geeska Afrika, ee laakiin uu sababay in nabad waarta laga dhex dhaliyo wadamada Itoobiya iyo Ereteriya oo si caalami ah faa’iido u leh, taas oo xaqiijinaysa in boqortoyada Sucuudigu ka mid tahay tiirarka nabadda, ammaanka iyo degenaanshaha gobalka iyo dunidaba.”

Mar la weydiiyay mustaqbalka xidhiidhka Djibouti iyo Ereteriya, wuxuu yidhi “Xidhiidhka labada wadan wuu xumaa tobankii sanno ee u dambeeyay, laakiin hadda waxaanu galnay wanaajinta xidhiidhka oo ah wejiga koowaad, oo aanu uga mahadcelinayno Sucuudiga iyo dalalka kale ee gobalka.”

Madaxweyne Geele, wuxuu sheegay in labada dal oo heshiis gaadhaa ay wax weyn ka tarayso degenaanshaha gobalka, waxaanu yidhi, “In wanaag lagu shaqeeyo iyo rabitaan dhab ahi si loo gaadho heshiis lagu dejiyo is af-garan waaga u dhexeeya labada dal, wuxuu jidka u xaadhi doonaa nabadgelyo balaadhan, degenaansho labada wadan iyo gobalkba ah.”

 

12 COMMENTS

  1. 腋下美白產品 試用報告!日牌、韓牌大比拼 造型打扮 Grooming 新Monday 「舉高隻手 使乜怕醜 舉高隻手 使乜怕醜」,錯錯錯!舉高隻手當然會怕醜,不少女生的腋下肌膚都暗沉粗糙,怕被人看見「烏卒卒」,可惜 腋下美白產品 卻不算普遍,小編今次就親身搜羅了分別是日牌Wakire White 腋下美白啫喱及韓牌Milky Dress 腋下美白去角質啫喱,為各位親身試用,敬請飯後請勿觀看!

  2. TULIP HIFU療程屬非侵入性及非手術的緊膚修身治療,獲歐盟CE、韓國KFDA、GMP、ISO9001、ISO13485等認證,安全可靠。 Tulip的DUAL HIFU精細技術,對面部和眼部治療特別有效;另外,TULIP FB有的13mm及7mm STAMP蓋印式治HIFU治療頭設計,眼、面以外部位,同時具「造身」效果。TULIP【DUAL HIFU高能量聚焦超聲波平台】【特點】- 非手術、非侵入性緊膚治療- 適用於任何膚色肌膚- 治療更精確、更安全- 備有7mm及13mm治療頭,可收緊腹部、臀部、手臂等鬆弛肌膚 【治療目的】- 緊緻肌膚- 提升輪廓- 減淡皺紋- 重塑輪廓線條- 嫩膚亮肌- 提升下垂眼部- 重塑身體線條 (用於7mm/13mm修身治療頭)- 重點減少脂肪細胞 (用於7mm/13mm修身治療頭)

  3. 由於公屋、居屋只有在第一次的樓宇買賣時,才有銀行做按揭。所以當閣下想有第二次按揭時便會感到不知所措。深明居屋業主所需,所以為各公屋、居屋業主設定「業主貸款」。對象 :未補地價之公屋、居屋業主 貸款詳情 : 即批最高$1,000,000.00 可選擇息本攤分,以用作長線或綜合債項之需要 或淨息短期供款,以應付短暫週轉所需 自訂還款期,隨時借隨時還 所需文件 :只需身份證 水、電、煤單 差餉單

  4. Everyone loves what you guys are usually up too. This type of clever work and reporting!
    Keep up the wonderful works guys I’ve added you guys to our blogroll.

  5. Pretty section of content. I just stumbled upon your website and in accession capital
    to assert that I acquire in fact enjoyed account your blog posts.

    Any way I will be subscribing to your feeds and even I achievement you access consistently rapidly.

  6. Hello! I just want to offer you a huge thumbs up for your great information you have here on this post.

    I am returning to your website for more soon.

  7. Having read this I thought it was rather informative.
    I appreciate you spending some time and energy to put this information together.

    I once again find myself spending a lot of time both reading and leaving
    comments. But so what, it was still worth it!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here