“Madaxweyne Isku Soo Celi Dadkii Ku Kala Irdhoobay Doorashadii”

29
3827

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, isla markaana ah Guddoomiye ku xigeenka Guddida Arrimaha Bulshada ee Wakiilada, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku bogadaiyey wareegtada uu ku laayey Haamaha Shidaalka, waxaanu sidoo kale ugu baaqay inuu isku soo celiyo dadkii ku kala irdhoobay Doorashadii Madaxtooyada, waxa kale oo uu ugu baaqay inuu wax ka qabto hantida umadda ee la lunsaday.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Cabdiraxmaan Xoog), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Anagu Gole ahaan waxaanu lahayn gacanta Dawladda yaan laga saarin Haamaha, si loo ilaaliyo tayada Shidaalka, waxayna Xukuumaddii Siillaanyo wakhtigaas tidhi waxaanu keenay Shaybaadh, lagu eego Shidaalka, oo tayadiisa ilaalinaya, anagu Gole ahaan waanu ka hor tagnay in cid gaar ah lagu wareejyo Haamaha, oo waanu arkaynay inay rabto inay bixiso, go’aan Gole ayaanu ka soo saarnay, hase yeeshe dheg noomay dhigin Xukuumaddii Siillaanyo oo wey wareejisay, anaguna waxaan ka mid ahaa Raggii aad ugu dooday ee diiday in la wareejiyo Hamaaha,balse nalooma joojin, iyadoo ahayd in naloo keeno heshiis kasta oo ay Xukuumaddu gasho, oo ah sida uu Dastuurku dhigayo, laakiin Dastuurka waa la jabiyey, Xukuumaddii markaas joogtay ayaana gacan Shicib ku wareejisay Haamihii Shidaalka,wixii aanu ka baqaynay ayaana dhacay oo waa tii la keenay Shidaal xun oo Gawaadhidii oo dhan dhaawac ka soo gaadheen Sihdaalkaas xun ee Haamaha lagu shubay, markaas baadhis ayey Xukuumaddu tidhi waanu sameeynaynaa, baadhis hagaagsan oo la sameeyeyna may jirin, Xukuumaddan ayaa bari dhawayd Barlamaanka keentay”.

Xidlhibaan Cabdiraxmaan Xoog ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu arko in Haamihii dib loogu soo celiyo gacanta Dawladda ayaa yidhi “Imika waa sax in Xukuumaddu dib ula soo wareegto Haamihii Shidaalka, waana talaabo xagga saxda ah loo qaaday, Maareeyaha loo dhiibayna waan soo dhaweynayaa, ta kale amaankii madaarka iyo barkinkii madaarka ee iyana dib loo soo celiyey waan soo dhaweeynayaa, dad badan ayaa shuraako ku ahaa balse Maxamed Xaashi isaga ayaa lahaa saamiga ugu badan, hanti badana wey ku maqan tahay runtii Maxamuud Xaashi, oo maanta fooqaq dhawr ah ayuu ka dhisanaya dalka, anagu waxaanu odhan jirnay Madaarka Hargeysa Duulistii baa ku taala, waa Madaar caalamiya, Dawladda ayaa leh, markaas Dakhliga Dawladda ee aanu anaga iyo Xukuumaddu ka wada shaqeeyno ayaa Shirkado aan meelna u soo marini qaadanayeen, markaas meel Miisaanayadii Dawladda lagu bixinayo oo la siinayo, in haddana Shirkado gaar loo leeyahay oo meeshii iska qaataan, oo dad gaar ahi ay ku naxayaan kuna taajirayaan waa khalad, waana in Xukuumaddu amaanka Madaarka ka war haysaa, oo cid gaar ah aan lagu naaxin, marka qori isku dhiibkana ha laga daayo, oo waa in amaanka Madaarku gacanta dawladda ku jiraa, waxa kale oo aan rajaynayaa in wax alaale wixii hantida qaranka ee sida khaldan lagu wareejiyey ee Barlamaanka la hor keenin sida Heshiiska Dekadda Berbera, Saldhiga iyo kuwa la midka ahba in dib loo soo celiyo, waxaan leenahay Madaxweyne haddii aad doonayso in aanu kula shaqeeyno hantida umadda ee la dhacay ka daba tag, si umaddu kugu soo joogsato, balse haddii aad tidhaahdo wixii Kulmiye ka baydhi maayo, anaguna mar walba tooshka ayaanu ku ifinaynaa wax kasta oo khaldan, ee Madaxweyne waxaanu ku leeyahay Dekaddii soo celi, oo Saldhigii soo celi, oo Madaxweyne isku soo celi dadkii ku kala irdhoobay Doorashadii, oo meesha ka saar  xumaantii ka dhalatay, oo dadka xidhan ee loo haysto Waddani ayey ahaayeen, oo Xafaadaas ayey ka soo jeedeen ee Suldaan Cune ka mid yahay oo Axmed Cadib ka mid yahay, oo muddo iska xidhan, Maxkamadna la keenin xoriyadoodii dib ugu soo celi,madaama dambi ilaa hadda lagu haystaa aanu jirin”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here