” Madaxweyne Hilaac Haraad Ma Biiyo, Ee Isku Shandhayn Qaan-gaadha Ayaa Lagaga Fadhiyaa”

34
2941

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada,ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan isku shandhaynta uu Madaxweynuhu ku sameeyey xubnaha ka tirsan Xukuumaddiisa.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayas ugu horeyn isagoo ka hadlaya isku shaandhaynta ayaa yidhi “Isku shandhayntu maaha qabiil ee waxaa loo baahan yahay aqoon dheeli tiran,isku shandhayntana maaha mid qaan-gaadha,ee Madaxweyne waxaa lagaga baahnaa isku shandhayn qaan-gaadha oo leh baaxad intan ka balaadhan iyo isku shandhayn tayo leh,Madaxweyne waxaa lagaaga baahna isku shandhayn  ay umaddu ku diirsato  iyo inaad magacwdo  rajada ay umaddu qabto ciddii ku hagi lahayd ,xaaladda dalku ku jirana ka saari lahayd,laakiin Madaxweyne hilaac haraad ma biiyo, ee isku shandhayn qaan-gaadha oo umaddu ku diirsato ayaa lagaga fadhiyaa”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey khilaafaadka dhulka ee Berbera ku soo badanaya ayaa yidhi “Xeerka  17aad ee ,dhulka isagoo kooban ayaa Golaha Wakiiladu kaabis iyo wax ka bedel uu ku sameeyey,arintaasi waxay keentay arin Golahana ceeb ku ah shaqadii qarankana isku murgisay,iyagoo Goluhu waxtar ula jeeday,ayaa la sameeyey Xeerkan iyo Guddida khilaafaadka Dhulka,saddexdii dhadhaar ee Dawladnimada ee kala ah Garsoorka,Fulinta iyo Sharcidejinta wey isku dhex shandhaysay,muwaadinka xuquuqdiisana meel bay kaga dhacday,xeer wuxuu xeer noqdaa marka uu Gobolada dalka oo dhan ka dhaqangalo, Gobolada Sool,Sanaag,Awdal iyo Togdheer wey iska diideen,balse meelaha uu ragaadiyey xeerkani waa Saaxil jyo Maroodijeex,laakiin markii dambe Hargeysi xeerkan wey iska fayday,ee meesha uu laxadka dhigtay ee Berbera,anagoo ah Xildhibaano badan oo Wakiilada ah waxaanu diyaarin doonaa mooshin ka dhan ah

Xeerkan,Qareenada,Sharci yaqaanada iyo guud ahaan wax garadka Somaloland waxaan ka codsanayaa in wax kasta oo dabar iyo caqabad ku Dastuurka iyo xeerarkiisu in laga hawl galo wax kasta oo Dastuurkeena dhib ku ah”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here