Madaxweyne; Ha Ilduufin Dardaarankii Daahir Rayaale

34
3554

Geeska Afrika staff writer

Bishii November ee kal hore waxa Jamhuuriyadda Somaliland ka dhacday doorasho madaxtooyo, oo madaxweyne loogu doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa ay dad badani aaminsanaayeen in marka ay doorashadaasi dhammaato inay Somaliland soo jiidan doonto indhaha beesha caalamka, sidii markii ay dhammaatay doorashadii 2010 oo dunidu u soo jeedsatay horumarka kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsanayso iyadoon cidina gacan qaban. Hase yeeshee loolankii doorashadaas 2017 iyo hadaladii xanafta lahaa ee ay siyaasiyiintii loolamayay hawada isu mariyeen ayaa sababay inay doorashadii dalka kaga tagtay riiq dheer oo kala qaybsanaan bulsho ah.

Siyaasadda gudaha

Laba qodob ayaa ugu culus caqabadaha haysta siyaasadda arrimaha gudaha Somaliland wakhtigan, waana colaadda ceel-afweyn iyo kala qaybsanaanta weli ka dhex jirta bulshada Somaliland ee ay doorashadii sababtay.

Madaxweyne Biixi, oo marka horeba la wareegay nidaam dawladeed oo curyaamay 7 sannadood ee uu Madaxweyne Siilaanyo talada hayay, ayaa waxa culaysyadaas hore ugu biiray saamaynta ay guud ahaan Somaliland ku yeelatay xanaftii ay doorashadii ka tagtay.

Shacabka ayaa weli u kala qaybsan sidii ay ugu kala qaybsameen ololihii doorashada, waxaanay taageerayaasha muxaafidka iyo mucaaradku weli baraha bulshada isu marinayaan qoraalo la mid ah kuwii wakhtigii ololihii doorashadu socday.

Dagaalka Ceel-afweyn ayaa ah dhibaato miisaan leh oo soo noq-noqotay oo aan weli xalkeeda la helin. Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo oo isku dayday inay colaadan damiso, ayaan haddana ku guulaysan wax ka qabashada iyo xal u helista colaadan.

Dhimashadii iyo dhaawicii ugu badnaa ayaa beelahaas walaalaha ah dhex maray mudadii uu Madaxweyne Biixi talada hayay. Inkastoo uu Madxweyne Biixi dhawr goor warbaahinta mariyay hadalo niyad wanaag ka muuqdo oo ah inay ka go’antahay wax ka qabashada iyo xal u helista colaadaas beelaha walaalaha ah dhex martay dhawrka goor, haddana weli lama hayo qorshe iyo istaraatajiyad cad oo uu Madaxweyne Biixi ku waajahay colaadaas oo saamayn ku leh ammaanka guud ee qaranka.

Siyaasadda arrimaha dibadda

Madaxweyne Biixi, inkastoo aanu soo bandhigin qorshe arrimo dibadeed oo ka duwan siyaasadii arrimaha dibadda ee Madaxweyne Siilaanyo ku hoggaamiyay Somaliland oo dhaliilo badan loo soo jeedin jiray. Madaxweyne Biixi oo aan la iman isbedel dibadeed, ayaa  haddana waxa iska cad in isbedel badani ka yimid gobalka Geeska Afrika, isbedelkaas oo ka duwan muuqaaladii uu Madaxweyne Biixi arkaayay ama ku xisaabtamayay markii uu ku jiray ololihii doorashada ama markii loo dhaariyay talada Somaliland.

Gobalka Geeska Afrika, isbedel siyaasadeed oo xawaare ku socda islamarkaana maalin maalin u soo kordhaya ayaa ka socda, waxaanu dabcan isbedelkaasi saamayn ku yeelanayaa siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland. Daruurahan ku soo kordhay gobalka Geeska Afrika waxa ay Somaliland ku qasbayaan inay dib u eegis ku samayso jihadi ay ku socotay siyaasadeeda arrimaha dibaddu.

Colaadda ka taagan deegaanka Tukaraq ayaa iyana ah qodob culayskiisa leh oo saamayn ku yeeshay siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.  Waraaqo tiro badan oo ku saabsan colaaddan ayuu Madaxweyne Biixi u diray beesha caalamka, waxaanu eeddo u jeediyay ergayga Qaramada Midoobay. Danjire Michael Keating wuxuu Somalilland iyo Soomaaliya ku metelaa xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, sidaas daraadeed In Somaliland eeddo u jeediso ergayga Qaramada Midoobay waa arrin miisaankeeda leh.

Dhaqaalaha dalka

Dhaqaalaha Somaliland, wuxuu ku taaganyahay lugo aan adkayn. Xoolihii Sucuudiga loo iib gayn jiray, sicir bararka taagan iyo shaqo la’aanta dhallinyarada ayaa saamaysay dhaqaalaha wadanka.  Shaqo la’aanta dhallinyarada ee wadanka ayaa maraysa 75%, sida uu sannadkan sheegay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire. Sucuudiga ayaa inkastoo la filayo inuu si ku meelgaadh ah u furo dhoofka xoolaha mudada xajka, haddana weli si rasmi ah umuu sheegin in xayiraadda laga qaaday dhoofka xoolaha nool.

Go’aamadoo khuseeyay shirkadaha isgaadhsiinta, madaxdii baanka oo uu Madaxweynuhu bedelay iyo talaabooyin kale oo la qaaday, sicir bararkii weli looma helin daawo rasmi ah.

Maceeshada quutal daruuriga ayaa si weyn sare uga kacday magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxaana la dareemayaa in sicir bararka iyo sare u kaca quutal daruurigu ay saamayn adag ku yeesheen nolosha shacabka Somaliland.

Gunaanad

Maalintii uu Madaxweyne Biixi la wareegayay talada Somaliland, waxa dardaaran u jeediyay madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo uu kula taliyay arrimo hadda taagan, wuxuu u soo jeediyay inuu umadda isku hayo oo uu isku waddo, kana shaqeeyo isku duubnaantooda iyo weliba inuu talada badsado oo uu la tashado dadka waayo araga ah, laakiin uu isagu gaadho go’aanka u dambeeya.  Mudane Rayaale, wuxuu Madaxweyne Biixi ku yidhi “Waxaan xoogaa dardaaran ah siinayaa madaxweynaha la doortay hawl qabad waa looga baahan yahay oo wax kasta oo adeeg ah inuu dalka ka qabto,laakiin waxa ugu midan waxa weeye isku haynta iyo wada jirka umaddan, taas waxaan kula dardaar-mayaa madaxweynaha cusub ee la doortay.”

Rayaale oo hadalka haddana sii sarayaa wuxuu yidhi “Waxaan madaxweyne kugula dardaarmayaa inaad la tashato cid kasta oo aqoon iyo cid kasta oo waayo arag ah balse go’aanku uu noqdo mid adiga kaa soo baxa.”

Mudane; Madaxweyne, waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland maanta maraysaa jid dheer oo war-warkiisa iyo waayihiisa leh. Arrimaha taagan iyo kuwa kale ee ay bidhaantoodu muuqataba waxa aad dalka kaga badbaadin kartaa talada oo aad badsato. Mudane; Madaxweyne, taladu waa muhiim ee waa inaad talada urursataa oo markaad kala haadiso aad qaadataa talada iyo go’aanka u dambeeya eed isleedahay dalka iyo dadka waa u dan.

Madaxweyne, Somaliland uma baahna oo keliya  hadalo wanaagsan oo niyad sami ka muuqato, waxase ay u baahantahay hadaladaas oo aad u bedesho ficil. Madaxweynoow, waa inaanay kuu dhuuman xaaladda gudaha iyo dibadda ee Somaliland, waxaanan kuu soo jeedinaynaa inaanad ilduufin taladii Daahir Rayaale Kaahin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here