Madaxweyne Geelle Oo Ku Taliyay In Si Taxadir Leh La Isaga Eeggo Isbedelada Ka Socda Gobalka

1
1577

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in Isbadalka ka socda Geeska Africa loo baahan yahay marka hore in si taxadir leh laysaga eego wixii dan iyo dibin-daabyo ah ee ku jira.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa hadalka ka sheegay xidhitaankii madal ay isku arkeen Aqoonyahanno ka kala socda deegaannada lagaga hadlo Afka Soomaaliya oo uu soo qaban qaabiyay Machadka HERITAGE.

‘’Isbadalka haatan socda iyo kuwa soo socdaaba waxaa loo baahan yahay in la iska fiiriyo la iskana hubiyo wixii dan ah iyo dibindaabyo ee ku jira, Waayo, Waan baahanahay looma bahalo cuno.ayuu yidhi Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kalmadan uu isticmaalay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa noqotay hadal heynta madasha, iyadoo aqoonyahannada qaarkood sheegeen in madaxweynuhu ula jeeday in Soomaaliya looga baahan yahay in ay iska eegto wixii dan ah ee ugu jira Isbadallada socda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in marka laga hadlayo danaha wadamada Geeska uu jiro Urur u xilsaaran oo ah Urur gobolleedka IGAD kaasoo guta ayuu yidhi xilka Iskaashiga Gobolka.

“Tusaale ahaan Dowladaha Jabuuti iyo Itoobiya waxay qaadeen talaabooyin ku dayasho mudan, kuwaasoo ku saabsan dhanka is-dhex-galka wadamada gobolka,”ayuu yidhi hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne Geelle.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here