Madaxweyne Geele Oo Safar Ku Tagay Dalka Kenya

52
3914

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa safar qaadanaya saddex maalmood ku tagay dalka Kenya.

Madaxweyne Geele ayaa waxa madaarka ku soo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma iyo masuuliyiin kale, waxaanay booqashadiisu ka dambaysay martiqaad uu u diray madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyata.

Madaxweyne Geele oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, waxa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweyne Uhurru Kenya. Madaxweyne Kenyata ayaa xalay bartiisa twitterka ku qoray qoraal soo dhawayn ah oo uu madaxweynaha Djibouti ku soo dhawanaynayo dalkiisa Kenya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here