Madaxweyne Farmaajo Oo Luuqad Dhul Is Dhigis Ah Kaga Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya Nuxurka khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibadii caleemo saarkiisa

0
544

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa sheegay in dawladiisu sii wadi doonto wada hadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somaliya.

Mr. Farmaajo, ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay munaasibadii caleemo saarkiisa, wuxuu wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ku tilmaamay talaabo hore loo qaaday “Wada hadaladii u dhexeeyay dawladda dhexe iyo walaaladeen Somaliland waxay ahayd talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday, waxaana naga go’an inaan sii wadno si aan uga midho dhalino.” sidaas ayuu yidhi Mr. Farmaajo oo aan wax faahfaahin ah sii raacin hadalkiisa.

Madaxweyne Farmaajo, waxa kale oo uu ka hadlay nabadgelyo xumada dalkiisa ka jirta "Waxaan shacabka u cadeynayaan in wax la qaban karo ay koobnaan doonaan, maadaama itaalka iyo dhaqaalaha dowladda aysan xooganeyn". ayuu yidhi madaxweynaha, isagoo intaas raaciyay "Dhibaatooyiinka jiro waxay soo taagaanaayeen 26-sano oo colaad iyo baaro ah. In ka badan 20 sano oo kale ayaan u baahan nahay si aan u soo kabano. Shacabka ha iga caawiyeen dhibaatooyiinka naga ahaysto arrimaha aasaasiga ah sidii aan wax uga qaban lahayd, afarta sano ee soo socota".

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu xoogga saaro tayeynta ciidanka qalabka sida iyo kuwa amniga gudaha. "Waxaan hubin doonaa in ciidamadeeda geesiyaasha ah ay helaan mushaarkooda, qalabkooda, iyo xarumo iyo tababar kooda," ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Mar uu ka hadlayay ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya wuxuu yidhi: "AMISOM ciidamada nagala jooga, howl wanaagsan ayey qabteen. Waxay naf iyo maalba u hureen Soomaaliya, way mahadsan yihiin. Waxay garab nagu siiyeen dib u yagleelidda ciidamadeena, hadafkaasna intiisa badan wuu dhaqan galay".

Madaxweyne Maxamed cabdullahi Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay inuu billaabayo dib u dhiska ciidamada Soomaaliya. "Xukuumadeydu waxay ka shaqeyneysaa in muddo kooban lagu hirgeliyo hadafka ah dhismaha ciidanka, si ay uga shaqeeyaa amniga dalka iyo dadka".

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku caanbaxday "musuqmaasuq". Wuxuu tilmaamay in dalal badan oo caalamka ka mid ah ay Soomaaliya u garanayaan dal musuqa uu hadheeyay.

 Wuxuu xaqiijiyay madaxweyne Farmaajo in dowladdiisa ay wax ka qaban doonto musuqaasi."Waxaan ku shaqeyn doonnaa dowridda amaanada naloo dhiibto", ayuu sheegay madaxweynaha.

"Musuqmaasuqa ayey caalamku nagu garanayaan, sanadkii la soo dhaafay waxaan noqonay dowladda ugu hooseysa".

"Waxaan dooneynaa inaan noqono dowladda koobaad ee caalamka ee musuqmaasuq uusan ka jirin".

"Waxaan soo celineynaa cisigii iyo sharaftii ay lahayd Soomaaliya", ayuu tilmaamay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu kaloo ka hadlay arrin aad looga sugayay wuxuu ka yidhaahdo taas oo ah xidhiidhka dawladiisa iyo dalalka jaarka la ah, waxaanu sheegay inuu xoojin doono xidhiidhka dawladaha uu jaarka la yahay "Is kaashi ganacsi ayaan la yeelan doonnaa dowladaha kale ee caalamka iyo kuwa deriska, waxaan sameyn doonnaa wakaalad qaabilsan maalgashiga dibadda si loo helo dalal Soomaaliya maalgashado", ayuu yidhi Farmaajo, isagoo raaciyay "Waxaan dalalka aan deriska ah kula dhaqmi doonnaa ixtiraamka ay naga mudan yihiin oo ah inaanan arrimahooda gudaha faragelin. iyaguna intaas in leeg ayaan ka fileynaa".