Madaxweyne Buuse Biixi Oo Toddobaad Gudihii 3 Munaasibadood Oo Kala Duwan Kaga Hadlay Dagaalka Tuko-Raq

45
3390

Hargeysa(Geeska)-Toddobaad gudihii saddex jeer ayuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka hadlay dagaalka Somaliland iyo Puntland ee Tuko-raq.

Arbacadii toddobaadkii hore ee 30 May, isagoo Madaxweyne Biixi ka qayb galay munaasibad ay ku qalin-jabiyeen cutubyo ciidanka qaranka ah oo ka baxay dugsiga tabobarka ee Darar-weyne, ayaa wuxuu Madaxweynuhu sheegay inaanu dagaal khasaare mooyee faa’iido cidna u lahayn, waxaanu ku baaqay nabad, isagoo yidhi “Anaga oo xeradii ciidamada joogna waxaanu ku baaqaynaa nabad uma socono weerar cidna,Puntlnad kuma socono laakiin xuduudkayaga waanu daafacaynaa waa waajib na saaran oo waa kaanu qaranka ugu dhaaranay.” Sidas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

5 June oo ku beegnayd toddoba maalmood ka dib hadalkaas Madaxweynaha ee hore, wuxuu gelinkii hore ee 5 June iyo gelinkii dambe ka hadlay dagaalkaas. Madaxweyne Biixi oo gelinkii hore ee salaasadii 5 June tababar u soo xidhay dufcadii 29aad ee ciidanka Booliska ah ee ka qalin jabisa dugsiga tababarka ee Mandheera, ayaa wuxuu ka hadlay isla dagaalka Tuko-rag, waxaanu yidhi “Nasiib-darro dagaal aynaan u baahnayn baa ka dhex dhacay Somaliland iyo Soomaaliya, maanta Somaliland iyo Soomaaliya dagaal umay baahnayne waxa aynu u baahnayn inaynu iska kaashanno si aynu dhibaatooyinka abaaraha, biyo la’aanta, iskuul la’aanta, caafimaad-darrada iyo shaqo la’aanta uga baxno, Somaliland-na hadafkeedu taas ayuu ahaa inay jaararkeeda nabad u fidiso oo wax wada-qabsi u fidiso oo aynu jaarnimo wanaagsan ahaanno dhinac walba, Soomaaliya-na taas uun baanu ula soconnay oo aanu ka rabnaa maanta, shalay iyo mar walba.”

Gelinkii dambe ee isla Salaasadii wuxuu Madaxweyne Biixi afur u sameeyay qaar ka mid ah culimada wadanka, waxaanu ka hadlay dagaalkaas, Waxaanu isagoo ka jawaabaya hadalo ay dagaalka ka yidhaahdeen qaar ka mid ah culimadii afurka ka qayb gashay, uu yidhi “Dagaalka  turko-raq waxaynu joognaa Somaliland dhexdeeda degmada laascanod, tuko-raq waxay ka mid tahay degmada laascanod, garan maayo waxa intaas oo weerar ah loo soo qaadayo ee dad loogu laynayo xataa haddii wax la kala tirsanayo dadku hadal ayuu ku dhmamystaa dagaal kasta oo dhaca hadal ayaa ka dambeeya, laakiin waxa wanaagsan ah intaan weerarka la qaadin ee dadka la laynin in la isweydiiyo maxaynu isku khilaafsanahay taasna diyaar ayaan u ahay waanan idinkaga wakiil ahay hore ayaynu isu nidhi haddana waan isleenahay ku xad gudbi mayno, weerari mayno, waa dadkeenii halkan ayaan ka lahaa 18 may dadka reer Garowe waa dad gob ah oo xariir ah oo dad aanu xabad isu quudhi karno maahee walaalayaal qolada dagaalka waday dagaalka naga joojiya” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Toddobaad gudihii, marka uu Madaxweyne Biixi saddex wakhti oo kala duwan uu saddex munaasibadood oo kala duwan kaga hadlay dagaalka Tuko-raq, waxa ay dadka siyaasadda falanqeeyaa tilmaamayaa culayska uu Madaxweyne Biixi ku hayo dagaalkaasi.

Waxa kale oo iyana la tilmaami karaa in Madaxweyne Biixi isku dayayo inuu beesha caalamka tuso in Somaliland diyaar u tahay nabadgelyo iyo in dagaalkaas lagu dhammeeyo wada hadal nabadeed.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here