Madaxweyne Biixi Siduu U Arkaa Xadhiga Boqor Buurmadoow?

28
3399

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xadhiga Boqor Buur Madow oo uu ku tilmamay saaxiibkii oo afkiisu uu xidhay.

Waxa uu madaxweynuu sheegay in si kasta oo Boqor Buur Madow uu saaxiibkii u ahaa aanu haddana eedayntii xeer ilaalinta ee erayada uu yidhi la xidhiidhay aanu ka difaaci karin sharci ahaan, waxaanu ka hadlay sababta loo xidhi waayay salaadiintii la socday Boqorka markii uu ka qaybgalay madashii caleema saarka ee ka qabsoontay Puntland.

Madaxweyne Biixi oo arintan ay warbaahintu su’aashay waxa uu yidhi “Boqor Buur Madow oo saaxiibkay ah ninkii ollolahayga qaybtii ugu weynayd qaatayna ah, halkanba waxa joogta in badan oo ii codaysay oo faafinaayay go’aan adag ayuu leeyahay halagu doorto, horta marka hore markii codka laygu ridaayay ma waxa laygu riday cadaalada qaad mise waxa aan sameeyo haygu qaban, waa suaal, Boqor Buur Madaw waxa soo eedeeyay xeer ilaalinteena waxaana lagu soo eedeeyay hadal uu yidhi oo aanu cidna ka qarin oo ka hor imanaaya sharciga iyo nolasha, raga kale maxay u soo eedayn waayeena markii aanu waydiinay waxay leeyihiin cadayn hadal ah oo aanu ku keeno uma hayno, tagitaankuna denbi muu ahayn, waxay wada ahaayeen salaadiin iyo boqoro, mar walba way tagaan oo hablo ayay soo kala guuriyaan magbay soo kala qaataan, markaa erayga boqor iyo suldaan tagay muu ahayn danbi, laakiin waxa danbi ah qofkii maxaa ka yimi.”

Madaxweynuu hadalkiisa waa uu sii watay”Boqor Buur madow waa ninkaas aad taqaanaan ee raga ah ee dadka badan hogaamiya ee anigana taageerada badan iyo saaxiibtinimada badan naga dhaxaysay laakiin hadii uu qaldamo waanu is toosinaynaa, ileen waxaynu isku raacsanahay sharciga ka ugu sareeya iyo ka ugu hooseeya ha wada qabto, hadii sharcigeenii qabtay, cidna laga dhaafi karimaayo aniga waa laygu canaantaa oo waliba qoladii mucaaradka ahayd waxay tidhaahdaa waakaas abaalkiisii oo Buur Madow ayuu kaga bilaabay, ma odhan karaayo intaan haayadaha faro galiyo hebelna sharciga halagu qaado hebelna halaga daayo, markaas xeerkaas ayuu ku yimi xadhigiisu, kuwan kale markii aan xeer ilaalinta anigu waydiiyay su’aashana hore ayaa lay waydiiyay, waxay yidhaahdeen hal eray oo aan ka hayno way tageen mooyaane tagidana waxay isku taagayaan salaadiintu maalin walba way talaabaan.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here