Madaxweyne Biixi Oo Soo Saaray Wareegto Isugu Jirta Magacaabis, Xil Ka Qaadis Iyo Bedelaad Saamaysay Masuuliyiin Kala Duwan

0
1474

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay wuxuu sameeyay magacaabis, xil ka qaadis iyo bedelaad.

Madaxweyne Biixi, ayay wareegtadiisu saamaysay saddex masuul oo uu xilka kaga qaaday, afar kale oo uu magacaabay iyo bedeladaadda agaasime guud.

Wareegtada Madaxweyne Biixi, waxa uu ku yidhi sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-248/122018 uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Mudane Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar),

Guddoomiyaha Gobolka Sool.

Ku: Maxamuud Axmed Maxamed Shiil,

Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL

Ku: Mudane Siciid Saalax Shire,

Maareeyaha Madbacadda Qaranka

Og: Maareeye Ku-xigeenka Madbacadda Qaranka

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hayseen ee Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilka qaranka ee kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.

Sidoo kale waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilalka masuuliyiintan heer Gobol iyo kuwa cusub, sida ugu dhakhsaha badan.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas’uulkan u beddelo xilkan:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here