Madaxweyne Biixi Oo Soo Bandhigay Saddex Qodob Oo Ay Maraykanka Iyo Qarmaada Midoobay Ku Dhexdhexaadiyeen Colaadda Tukaraq Balse Uu Gaas Jebiyay

34
2726

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa saxaafadda u soo bandhigay saddex qodob oo ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadiyaan Somaliland iyo Puntland oo uu ka baxay hoggaamiyaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas.

Madaxweyne Biixi oo shalay saxaafadda kula hadlay Hargeysa, wuxuu Mr. Gaas ku eedeeyay inuu ka baxay qodobadii ay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ku dhexdhexaadisay oo uu subixii xigay ogolaanshaha heshiiskaas Somaliland ku soo qaaday dagaal.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya qodobada iyo cidda dhexhexaadisay wuxuu yidhi  “Nimankaasi [beesha caalamka] Jeenawari markii hadalku bilaabmay, waxaa yidhaahdeen waxa wanaagsan inaad wada hadashaan Somaliya waxaanu wada hadalnay ninka la yidhaahdo Farmaajo, Cabdiwali waa soo galay oo la  hadal ayaa isagana la yidhi waa ay khusaysaaye, isagana waanu wada hadalnay, tiraba saddex jeer oo ay khadka nagula jireen ka Maraykanka iyo ka kaleba ( safiirka maraykanka iyo Ergayga Qaramada midoobay) ayaanu wada hadalnay saddexda goorba Cabdiwali waxii uu yidhi waa uu ka baxay, kii ugu danbeeyay ayaan idiin sheegayaa waxa uu weerarkii ugu danbeeyay soo qaaday 24-kii Bishan, 23kii sagaalkii habeenimo waxa ila soo hadlay safiirka  Maraykanka ee Nayboobi jooga,waxa uu igu yidhi waxaan doonayaa saddexdii qodob ee Michael Keating  uu idiin keenay in la fuliyo baritoole oo meeshaas aanu dagaal ka dhicin, waar nabadaba anigaa kaa jecel waanan raacsanahay saddexdaas qodob, maxay yihiin saddexda qodob

1-Xabada hala joojiyo

2-Arimaha aadaminimada ha la ogolaado

 3-hala sameeyo qaab ay labada taliye ee ciidanku ku wada hadli karaan si aanay ciidamadu si kadis ah isugu dhicin oo aanay xabadi u bilaabmin.

Saddexdaba  waanu ogolnahay,safiirku waxa uu igu yidhi saddexdaas ayaan doonayaa inaan goob joog ka ahaado, Cabdiwali ayaa dhanka kale ku jira tilifoonka  ogol, saddexdaba hore ayaan u ogolaaday laakiin waxaan kuu sheegayaa safiirow ciidankiisii hadda waxay ii jiraan 500 mt, 7 Km na galabta ayuu ka soo guuray weerarna waa uu u dhan yahay ilaa hadda ayuu soo socdaa oo inuu shantaas boqol ka soo dhawaado ayuu doonayaa aroorta markay cadceedu soo baxdana weerar ayuu igu soo qaadayaa, aroorta haddii weerarkaas la waayo nabad ayuu wadaa haddii uu dhacana waa waxiisii ee maxaan ka dhagaystaa, shantii iyo badhkiibuu isagu soo bilaabay, kii kale ee ka horeeyay sidaas la mid ayay ahayd oo macaa Farmaajo waa uu ku jiray khadka lagu wada hadlaayay.

Halkaygaas soo dhaafi maayo xabadna soo ridi maayo laakiin baritoole waxay noo tahay 15-kayagii shalayna laba goobood ayuu iga soo weeraray oo waxa uu degaayay baraha uu bari iga soo weerari doono yaa balanqaad I siinaya anaga oo dabaal daga ku jirna in aanu isoo weerarayn, ma galaayo ayaa laygu yidhi waanad ogaydeen waxii ka dhacay, nin meel u jeeda xadhig ma xidhaayo, waxaanan arkayaa Puntland in aanay dani ugu jirin dagaalka, mid ah siyaasad oo Somaliland waa gobal ka mid ah oo caasi garoobay oo dib ayaan u muquuninayaa ah oo Xamar ka soo baxay oo la soo marinaayo Cabdiwali , markaas ninka wada hawsha ayaanu ka wada hadlaynaa, dhaawacii miyaanu diyaarad u soo dirin oo aanu Xamar u gayn, miyaanu Turkiga u qaadayn ciidankiisa dhaawaca ahaa, maaxaan miskiinkan Cabdiwali ee la isticmaalayo kala hadlayaa, haddii nabad la doonayo nabada nin baa dabada ka wada.”

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inay Hadaftimo rasaas ka rideen gaadiid dagaal oo uu Gaas soo diray si dadka deegaanka loo baqo galiyo “Afar gaadhi oo tigniko ah  oo ka yimi Garoowe waxay rasaas ka rideen Hadaaftimo oo ah xarunta suldaan Siciid  oo waxii Somaliya buuq ka dhacay aanay xabadi ka dhicin oo lagu yidhi Somaliland ayaad taageeraysaa, markaas ninkii oday ah ee siyaasi ah kii madaxdhaqameed ah, kii wax garad ah ee yidhaahda Somaliland ayaan ahay ama waa loo hanjabayaa ama danbibaad gashee maxkamad ayaa lagu gaynayaa ama waa lagu dilayaa, xanba maaha, idaacadaha ayaa laysula soo fadhiistay, hada waa dadkii deegaanka.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here