Madaxweyne Biixi Oo Socdaal Ku Tagaya Gobalada Bari Iyo Isku Shaandhayn Shilis Oo Laga Sugayo

30
3617

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan safar shaqo ugu baxo gobalada bari ee dalka.

Sida ay sheegayaan warar soo baxay, Madaxweyne Biixi wuxuu safarkan ku tagayaa gobalada bari, waxaana la filayaa inuu xadhiga ka jaro mashaariic ay xukuumadiisu hirgelisay islamarkaana uu dhagax dhigo kuwo cusub. Waxa kale oo la filayaa in Madaxweyne Biixi uu kulamo la soo yeesho qaybaha kala duwan ee bulshada gobaladaas oo ay noqonayso markii u horaysay ee uu socdaal ku tago dan iyo markii sannadkii hore uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada.

Geesta kale, waxa soo baxaya iyaguna warar aan la hubin oo sheegaya in Madaxweyne Biixi uu soo saarayo qaybta labaad ee isku shaandhaynta xukuumadiisa, isagoo toddobaadkii hore soo saaray isku shaandhayn kooban oo aanay bulshadu soo dhawayn.

Waxa la filayaa in Madaxweyne Biixi oo ka jawaabaya dareenka taban ee ay bulshadu ka qabto xukuumadiisa, inuu sameeyo isku shaandhayn sal balaadhan oo isugu jirta wasiirada, agaasimayaasha iyo qaybaha kala duwan ee xukuumadiisa iyo weliba suurtogalnimada hay’adaha distooriga ah qaarkood inuu seefta gaadhsiiyo.

Waxase ay shacabku ku kala aragti duwanyihiin muuqaalka ay yeelan doonto isku shaandhayntan la filayo in Madaxweynuhu sameeyo, waxaanay bulshadu is weydiinaysaa Madaxweynuhu shacabka ma soo hordhigi doonaa isku shaandhayn u cuntanta oo la jaan qaada xaaladaha gudaha ee Somaliland iyo weliba kuwa gobalka Geeska Afrika ka socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here