Madaxweyne Biixi Oo Shalay Magacaabay Afar Masuul Oo Ah Agaasimayaal Xukuumadiisa Ka Tirsanaan Doona

51
3177

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay afar masuul oo isugu jira agaasimayaal guud iyo agaasime waaxeed.

Wareegto uu Madaxweynuhu shalay gelinkii dambe soo saaray ayaa u qornayd sidan

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta [shalay] wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-22/012018, uu ku magacaabay Afar Agaasime.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-     

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan

Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (kh); 

Markaan

Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; 

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan; 

Markaan Sameeyey:         La-tashi Ballaadhan;

Waxaan Go’aamiyey:

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Geesta kale, laba ka mid ah agaasimayaashan ayaa hore uga tirsanaa xukuumadii Siilaanyo. Agaasimaha uu madaxweynuhu u magacaabay wasaaradda maalgashiga ayaa ahaa agaasimihii guud ee wasaarada waxbarashada xukuumadii hore. Agaasimaha hadda loo magacaabay wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa isna ahaa wasiir-xigeenkii dib u dejinta ee xukuumadii hore. Sidoo kale mar ayuu ahaa agaasimaha guud ee isla wasaaradan diinta iyo awqaafta.                [

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here