Madaxweyne Biixi Oo Magacaabis Iyo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Wakiilada Dibadda, Maareeyena U Magacaabay Haamaha Shidaalka

0
9055

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay wuxuu magacaabis iyo isku bedel ku sameeyay qaar ka mid ah wakiilada Somaliland ee dalalka dibadda.

Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu maareeye u magacaabay haamaha kaydka shidaalka ee Berbera oo uu toddobaadkan dib ugala soo noqday shirkado madaxbanaan oo ay xukuumadii hore ku wareejisay, waxaanu xilkan u magacaabay Xasan Axmed Ibraabim (Embassy).

Wareegto uu Madaxweyne Biixi soo saaray wuxuu ku soo kordhiyay wakiilo cusub, halka uu qaar kalena ku sameeyay isku bedel. Baashe Cawil oo uu Madaxweynihii hore Axmed-siilaanyo soddog u ahaa  ahaana wakiilka Somaliland ee Imaaraadka Carabta, wuxuu Madaxweyne Biixi u bedelay dalka Kenya. Waxa kale oo uu xilkii ka qaaday wakiilkii Somaliland ee USA Rashiid Gaaruuf, isagoo u magacaabay masuul cusub.  

Wareegtada Madaxweyne Biixi, wuxuu ku magacaabay masuuliyiinta hoos ku qoran

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here