Madaxweyne Biixi Oo La Sheegay Inuu Amar Ku Xayiray Dhul Muhiim U Ah Dekedda Berbera Oo Ay Xukuumadii Hore Dad Shacab Ah Siisay

0
1121

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa amar ku bixiyay in gacanta dawladda lagu soo celiyo dhul ku yaala Berbera oo muhiim u ah dekedda Berbera, kaas oo ay xukuumadii Madaxweyne Axmed-siilaanyo u sharciyaysay dad gaar ah oo u badan siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaal dhaqameed.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo la xidhiidha amarka Madaxweynaha, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Madaxweyne Biixi uu soo saaray amar cad oo ah in dhulkaasi yahay dhul uu qaranku leeyahay oo muhiim u ah dekedda Berbera iyo amnigeeda, waxaanu Madaxweyne Biixi sida ay ilahani sheegeen sii xoojinayaa amar uu madaxweynihii 2aad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ku mamnuucay in dhulkaas dad gaar ah la siiyo islamarkaana uu isna sidiisii u fuliyay madaxweynihii ka dambeeyay Daahir Rayaale Kaahin.

Dhulkan oo ah dhul aad u balaadhan waa dhulka raasiga dekeda Berbera oo ay xukuumadii hore  siisay dad shacab ah kuwas oo iyaguna ku buuxiyay ciid khatar ku ah dekedda.

Dhulkan oo qaar ka mid ah lagu xidhay deyrar waaweyn, wuxuu Madaxweyne Biixi amarka joojintiisa iyo soo celintiisaba faray maareeyaha faraca dekedda Bebera, maayarka Berbera iyo badhasaabka gobalka, waxaanu si cad u sheegay in dhulkaasi yahay mid qaranku leeyahay oo muhiim u ah horumarka dekedda Berbera, waxaanu cadeeyay inaan dhulkaas la bixin karin, islamarkaana lagala noqdo sharciyada cid kasta oo la siiyay.

Go’aankan ayaa u muuqda mid uu madaxweyen Biixi ku dhiiraday fulintiisa, waxaana dhulkan loo sharciyeeyay siyaasiyiin iyo ganacsato ka ag dhawaa xukuumadii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku jiraan wasiiro awood badnaa oo aad madaxweynaha uga ag dhawaa, kuwaas oo la aaminsanyahay inay yihiin kuwa Mdaxweynihii hore  culayska ku saaray inuu fasaxo dhulkan ay madaxweynayaashii ka horeeyay u xayireen dan qaran darteed.

Badhasaabka gobalka Saaxil iyo maayarka Berbera oo uu Geesk Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo arrintan ayaanay noo suurtogelin.  Hase yeeshee talaabadan uu madaxweyne Biixi qaaday waxay noqonaysaa mid ka mid ah talaabooyinkii uu ololaha ku galay ee ahaa inuu wax kasta ka horumarin doono ilaalinta hantida qaranka, waxaanay fulinteedu noqonaysaa mid ay shacabka gobalka Saaxil soo dhawayn doonaan.

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Cumar Shucayb iyo maareeyihii hore ee dekedda Berbera Axmed Dirir ayaa mudadii ay xilka hayeen waxay aad madaxweynihii hore Siilaanyo ugala hadleen halista ka iman karta dhulkan raasiga Berbera oo dad gaar ah la siiyo, laakiin kumay guulaysan in madaxweynuhu joojiyo bixinta dhulkaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here